27.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Xog: Ahlu-Sunna oo Axmed Madoobe gacan ka siiyey dagaalkii shalay ee Beledxaawo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beledxaawo (Caasimada Online) – Xoogagga Ahlu Sunna ee Gobollada Koonfureed (Gobolka Gedo) ayaa gacan ka siiyay Ciidamada Jubbaland sidii ay shalay ula wareegi lahaayeen gacan ku haynta degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo kadib dagaalkii cuslaa ee halkaas ka dhacay.

Ciidamadan ayaa Ciidamada Dowladda Federaalka kala wareegay xarunta socdaalka (Immigration-ka), dhismaha xarunta maamulka degmada Beledxaawo iyo baro ciidan oo kale oo ay ciidamadaasi horey ugu sugnaayeen gudaha degmada. Dagaalka waxaa ku dhintay ugu yaraan 10 qof.

Xoogaggan ayaa ka amar qaata Maxamed Xuseen Isaaq (Al-Qaadi), oo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu 17-kii bishii December u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gedo.

Al-Qaadi waxa uu hore uga tirsanaa saraakiishii Ahlu Sunna Waljamaaca ee hoggaamin jiray dagaalyahanadii Ahlu Sunna ee maleeshiyada Al-Shabaab kula dagaalami jiray qaybo ka mid ah gobolkaas. Magacaabistiisa waxay timid kadib markii Dowladda Federaalka si adag uga hortimid doorashadii 25-kii November ee magaalada Kismaayo, taasoo markii saddexaad xilka madaxtinimada Jubbaland loogu doortay Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe waxa uu cashar ka bartay dhacdadii 2020, markaasoo maamulka Jubbaland laga saaray gobolka Gedo, kadib markii dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay sharci-darro ku tilmaantay doorashadii August 2019 ee Axmed Madoobe dib loogu doortay. Tani waxay dhalisay in Dowladda Federaalka ciidamo u dirto gobolkaasi, isla markaana la burburiyo maamulka degmooyinka Gedo ee taageersanaa Jubbaland, iyadoo gobolkaas si toos ah hoos loogu keenay Villa Somalia.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee 2023 maamulka gobolka Gedo dib ugu celisay gacanta Jubbaland. Haddaba Villa Somalia ayaa hadda u muuqata mid markale isku dayaysa inay gobolkaasi hoos keento dowladda dhexe, iyadoo sheegaysa in doorashadii Kismaayo ee Axmed Madoobe lagu doortay aysan sharciyad haysan.

Axmed Madoobe ayaa u arkay in Al-Qaadi ku wanaagsan yahay abaabulka, isla markaana dib u soo noolayn karo xertii Ahlu Sunna ee sanado kahor la kala diray, isagoo rumeysan in ay gacan weyn ka gaysan karaan sidii aan Jubbaland looga fara maroojin maamulka gobolka Gedo.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Madaxtooyada Jubbaland ee Kismaayo ay bilihii u dambeeyay hubeysay qaar ka mid ah xerta Ahlu Sunna Waljamaaca ee ku sugan degmooyinka Doolow, Luuq, Beledxaawo iyo Ceelwaaq, waxaana la siiyay dareyska Ciidanka Daraawiishta Jubbaland.

Xoogaggan oo hadda u muuqda kuwo si beeleed loo abaabulay waxaa sidoo kale dib u soo celintooda gacan ka gaystay Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Gedo. Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu horey u ogaa in ay dagaalka ku wanaagsan yihiin.

Xoogaggan ayaa la xusuustaa in sanadkii 2011 ay gacan weyn ka gaysteen howlgaladii Ciidamada Dowladda ku xoreeyeen degmooyinka Luuq, Beledxaawo iyo Garbahaarey, oo ah xarunta gobolka Gedo. Waxa kale oo ay ka qayb qaateen howlgal lagu furayay waddooyinka isku xira degmooyinka gobolka.

Saameynta Ahlu Sunna ee gobolka Gedo ayaa hoos u dhacday kadib markii la dhisay maamulka Jubbaland sanadkii 2013. Kaalintoodii gobolka ayaa gebi ahaanba meesha ka baxday kadib geeridii hoggaamiyihii Ahlu Sunna ee Gobollada Koonfureed, Sheekh Maxamed Maxamuud Yuusuf (Aw Libaax), oo bishii June 2017 ku geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay saldhigga degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Markii ugu dambeysay ee la arkay hawlgal ay ka qayb qaadanayaan xoogagga Ahlu Sunna ee gobolka Gedo wuxuu ahaa kii bishii July 2015, markaasoo Ciidamada Xoogga Dalka iyo AMISOM ay maleeshiyada Al-Shabaab ka saareen degmada Baardheere. Tan iyo xilligaas, xoogaggani laguma arkin jiidaha hore ee gobolka, sababo la xiriira Jubbaland oo ka shaqeysay in la kala diro, inkastoo kuwo yar lagu daray ciidamada rasmiga ah.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee gobolka Gedo ayaa horey u sheegay in Jubbaland ay u muuqato mid ka faa’iideysaneysa arrin aan Dowladda Federaalka si buuxda u ogayn — taasoo ah dib-u-soo-celinta awooddii xerta Ahlu Sunna.

Guddoomiye Al-Qaadi oo la hadlay warbaahinta, kadib markii ay ciidamada ay qayb ka yihiin xertu qabsadeen degmada Beledxaawo, ayaa sheegay in ay dagaalka kusoo qabteen askar la khalday, balse ay si wanaagsan ula dhaqmi doonaan.

Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in Dowladda Federaalka ay ka xun tahay, isla markaana si adag u cambaareyneyso “fal-dambiyeed” ay sheegtay in Axmed Madoobe ka gaystay Beledxaawo, isagoo adeegsanaya maleeshiyaad la khalday.

Wasaaraddu waxay digniin u dirtay maleeshiyaadkaasi, iyadoo sheegtay in qof kasta oo qayb ka ah dambiyada abaabulan lala tiigsan doono sharciga:

“Waxay dowladdu digniin adag u diraysaa maleeshiyaadka uu si khaldan u adeegsaday eedeysane Axmed Madoobe, waxaana la xusuusinayaa inay ogaadaan in qof kasta oo qayb ka noqda dambiyadaas abaabulan sharciga la marsiin doono,” ayaa lagu yiri warka Wasaaradda Amniga.

Wasaaraddu faahfaahin kama bixin cidda ay yihiin maleeshiyaadkaasi, balse waxa muuqata in ay ula jeeddo xerta hubeysan ee markan kasoo horjeeda Dowladda Federaalka.

Xertan oo kutub-raac ah ayaa markii ugu horreysay hubka qaaday sanadkii 2008, markaasoo Al-Shabaab ay bilowday burburinta xarumihii waxbarashada iyo siyaarada dariiqada Suufiyada ee Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobollada dhexe. Xilligaas ayay Al-Shabaab ku jebiyeen dagaallo ka dhacay magaalooyin ay ka mid yihiin Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Xoogaggani oo sidoo kale kasoo farcamay gobollada Hiiraan, Banaadir iyo Gedo ayaa door weyn ka qaatay howlgaladii Al-Shabaab looga saaray Beledweyne, Muqdisho iyo degmooyin kale oo gobolka Gedo ka tirsan sanadkii 2011.

 

- Advertisement -

Read more

Local News