Xog: Akhriso magacyada mas’uuliyiinta DF ka tirsan ee uu ku dhacay COVID-19

Muqdisho (Caasimada Online) – Cudurka Safmarka ah ee Covid-19 ayaa si weyn ugu baahaya magaalada Muqdisho, waxaana isa soo taraya dadka u dhiminaya iyo kuwa qaadaya ee la xanuunsan. 

Qaar ka mid ah shaqsiyaadka caanka oo ay ku jiraan mas’uuliyiinta dowladda ayaa la sheegay in ay la jiifaan cudurkaan, waxaana laga deyrinayaa xaaladda caafimaad ee qaar ka mid ah dadka uu haayo. 

Mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Soomaaliya ee uu cudurka soo ritay ayaa isugu jira Xildhibaano, wasiir, iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Qaranka waxaana dadkaasi kamid ah 

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ku sugan dalka Burund, Xildhibaan Cabdullaahi Gaafow Maxamuud oo ka tirsan Golaha Shacabka ee BFS, Sen Muna Cumar Xasan oo ka tirsan Aqalka Sare ee BFS, Bashiir Maxamed Jaamac, taliyihii hore ee ciidanka Asluubta hadana ah Maareeyaha wakaalada Dhismaha Qaranka, taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Xijaar, taliyaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Col Maxamed Aadan Koofi, taliyihii hore ee ciidanka Xoogga dalka Janaraal Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe, taliyihii ciidanka Badda Soomaaliya Admiraal Maadeey Nuureey Sheekh Furow iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Inta ugu badan masuuliyiintaan ayaa jiifa Isbitaalka Martiina marka laga reebo Col. Koofi oo dhowaan ka bogsaday iyo wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya oo ku go’doonsan Burund, halka qaar kale oo ka mid ah dadkaan ay guryahooda la jiifaan xanuunkaan.

Magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga dareemayaa saameynta cudurka Covid-19, waxaana u dhintay dad badan oo magac ku dhax leh Bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ku jiraan fanaaniin, odayaal dhaqan iyo culimo.