Muqdisho (Caasimada Online)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaaf adag uu ka taagan yahay magacaabida tiro Safaarado oo dib loo dhigay xili la sugaayay in Safiiro cusub loo magacaabo.
Khilaafka ka dhashay Safaaradaha ayaa u dhexeeya Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Somalia Axmed Ciise Cawad.
Safaaradaha ay magacaabidooda uu khilaafka ka taagan yahay ayaa kala ah Safaarada Somalia ee Kuwait, Sacuudiga, Masar iyo Pakistan oo Safiirada fadhiya dib loo bedelayo, marka laga soo tago Safaarada Sacuudiga oo aan Safiir laheyn.
Khilaafka ayaa salka ku haya awood qeybsi waxa uuna soo ifbaxay kadib markii Ra’isul wasaare Kheyre uu Wasiirka ku cadaadiyay in laba kamid ah Safaaradahaasi loo magacaabo shaqsiyaad uu isaga si gaara u wato, sida aan xogta ku heleyno.
Kheyre ayaa sidoo kale doonaya in Safaarada Pakistan aan lagu sameyn isbedel, halka Wasiir Cawad uu doonayo in isbedelka socda uu saameeyo maamulka Safaarada Pakistan oo kol hore la hadal hayay in la bedelaayo maamulka Safaarada.
Khilaafka oo gaaray meel xun aawgii waxaa lasoo sheegayaa in si KMG ah loo hakiyay magacaabida Safiirada Somalia u matali lahaa Safaaradahaasi, waxaana suuragal ah in xal laga gaaro khilaafka oo u muuqda mid wax lagu saxaayo.
Sidoo kale, Wasaarada arrimaha dibadda Somalia ayaa Safiirada Somalia u fadhiya Safaaradaha dibadda u maareysa hanaanka awood qeybsiga 4.5 oo ku dhisan nidaamka dalka.
Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayaa ahmiyad gaara u aragta xakameynta Safaaradaha aan kor kusoo xusnay oo tan iyo xiligii burburka Somalia shaqeynaayay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho