Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray amar ku socda Xildhibaanada BF (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa shaaciyay xilliga rasmiga ah ee uu furmaayo Kalfadhiga Baarlamaanka Somaliya.

Waxaa qoraal maanta oo isniin ah ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha lagu sheegay in kalfadhiga 4-aad ee Golaha shacabka uu si rasmi ah u furmi doono 10-ka bisha September ee bisha soo socota.

Qoraalka Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia ayaa waxaa Xildhibaanada lagu  wargeliyay , in looga baahan yahay ugu dambeyn 5-ta bisha September ee sanadkaan inay dalka ku soo laabtaan kuwooda maqan.

Nuqul kamid ah qoraalka ayaa ahaa “Sida aad la socoto furitaanka kalfadhiga 4-aad, ee Golaha shacabka waxaa loo qorsheeyay in la furo 10-ka September 2018-ka, sidaasi daraadeed waxaa dhammaan Xildhibaanada Golaha shacabka laga codsanayaa iney dalka soo galaan ugu danbeyn 5-ta September 2018, diyaarna u noqdaan xil-gudashada uga beegan kalfadhiga 4-aad ee Golaha shacabka,”.

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa ku maqnaa fasax dhan saddex bilood, balse hadda uu dhamaaday fasaxaasi.

Docda kale, Intiii Xildhibaanada ay ku maqnaayeen fasaxa ayaa waxaa dalka ka dhacay isbedelo kala duwan, gaar ahaan xubnaha Golaha Wasiirada oo isbedelo kala duwan lagu sameeyay qaarkood.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com