Xog: Al-Shabaab oo fariisimo cusub ka sameystay SH/DHEXE

Balcad (Caasimada Online) – Wararka ka imaanata gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo horleh ay ka bilaabeen gobolkaasi oo uu weli ka socdo howlgal xoreyn ah oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kooxda Al-Shabaab ayaa fariisimo cusub haatan waxa ay ka sameysatay aagga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo culus.

Al-Shabaabkii ugu badnaa ayaa isugu tegay deegaanka lagu magacaabo Mukadheere, oo ku dhow jiinka wabiga Shabelle ee maray halkaasi, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in Al-Shabaab tegay halkaasi ay ka tageen dhanka deegaanka Yaaqle oo isna Balcad hoostaga, kadib markii lagu duqeeyay maalmihii lasoo dhaafay, kadib howlgallo iyo dagaallo culus oo ka dhacay halkaasi.

Aag bedalasha Al-Shabaab ayaa waxa ay timid, kadib culeys uga yimid duqeymaha ay wajahayaan oo la kordhiyay, gaar ahaan aagga deegaanka Xawaaleyd ee gobolka Shabeelaha Dehxe.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka degmada Balcad oo ah meesha uu ka socda howlgalka culus.

Shabeelaha Dhexe oo kamid ah meelaha uu ka bilowday gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa weli ka soconayo howlgallo la’isugu furayo deegaanada gobolkaasi.