DF oo ciidamo iyo saanad milatari ka dajisay Raaskambooni + Sawirro

Badhaadhe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta diyaarado horleh ay dowladda Soomaaliya u dirtay deegaanka Raskambooni, kuwaas oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Diyaaradahan ayaa siday saanad iyo sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo mar kale laga dajiyay halkaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Ujeedka ciidamada maanta la geeyay halkaasi ayaa ah inay xoojiyaan kuwa dowladda ee  wada dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah maamulka Axmed Madoobe.

Sidoo kale waxaa jira ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Xoogga oo ka baxay aagga Kismaayo, isla markaana saacadihii ugu dambeeyay gaaray deegaanka Raaskambooni oo hadda ah furinta dagaalka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Jubbaland.

Arrinta ayaa u muuqata inay faraha kasii baxayso, waxayna Jubbaland ay dhankeeda waddaa abaabulka dagaal ka dhan ah ciidamada ay dowladda ku daabushay halkaasi.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga cabsi qabaan inuu qarxo dagaal toos ah oo u dhexeeya labada dhinac.

Si kastaba, diyaaradaha maanta tegay Raaskambooni ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan Jubbaland ay shirkadaha duulimaadyada uga digtay inay dagaan magaaladaas, maadaama ay ka jirto xaalad adag iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo.