Xisbiga SHARIIF oo si weyn uga horyimid tallaabo ay qaaday DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si xooggan u cambaareeyay tallaabooyinka ay maalmaahan qaadeysay dowladda ee burburinta dhulalka danta-guud.

Xisbiga ayaa soo hadal qaaday howlgallada burburinta ee ka socda Muqdisho oo uu ugu dambeeyay midkii shalay ka dhacay xaafadda Kalluunka oo ku dhow garoonka Aadan Cadde.

Himilo Qaran ayaa sheegtay in dareenka xanuunka leh la qaybsaneyso shacabka la barackiyay, iyada oo dowladda ku eedeysay inay ula dhaqantay si ka baxsan bini’aadannimada.

“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu dareenka iyo xannuunka la qaybsanayaa dadka rayidka ah ee loola dhaqmay si ka baxsan bini’aadannimada, waxayna dowladdu ku guul-dareysatay inay dadkaas u sameyso dib u dejin” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee kasoo baxay Xisbiga.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay inay muhiim tahay, haddii shacabka laga saarayo dhulalka danta-guud in loogu adeego danahooda, oo aan si gaar ah loo adeegsan.

Ugu dambeyn wuxuu xisbiga ugu baaqay madaxda sare inay ilaaliyaan xuquuqda dadka rayidka ah iyo sidoo kale dhulalka danta-guud ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Indhowaanahan dowladda dhexe ayaa wadday howlo burburin ah, waxaana lagu kala baxay xaafado dhowr ah oo ay kamid yihiin Dab-damiska, agagaarka Ex-koontarool Afgooye, dhulkii wasaaradda arrimaha gudaha ee Boondheere iyo xaafadda Kalluunka ee Waabari.