Xog: Shabaabkii ugu badnaa oo isugu tegay gobolka GEDO, kadibna bilaabay inay….

Doolow (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay isku uruursanayaan qaybo kamid ah gobolkaas oo ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo culus, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta gobolkaas ee Jubbalad.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka Gedo, Cismaan Nuux Xaaji (Macallimuu) oo wareysi siiyay Shabelle ayaa shaaca ka qaaday inay ka war hayaan dhaq-dhaqaaqa ay kooxda ka billowday gobolka, ayna ka hortagayaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Waan la soconaa xogta cadowga iyo dhaq-dhaqaaqooda, marka la arkana waa laga hortagaa” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Gedo.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay in Al-Shabaab ay tabar beeleen, isla markaana uu jab xoogleh kasoo gaaray dagaalladii ugu dambeeyay ee ay la galeen ciidamada dowladda.

“Iyagaa hadda iska tabar beelay oo aan tabar badan lahayn dagaallo fara badan ayay galeen burbur xoogleh ayaana ku dhacay” ayuu kusii daray.

Macallmuu oo hadalkiis sii wata ayaa xusay in heegan buuxa ay ku jiraan ciidamada Xoogga dalka iyo daraawiishta Jubbaland ee ku sugan Gedo, ayna qaadi doonaan todobaadyada soo socda guluf ka dhan ah xubnaha Al-Shabaab ee dhaq-dhaqaaqyada ka wada halkaasi.

“Ciidamada gobolka ku sugan heegan ayay ku jiraan meel kasta oo ay joogaan, wayna ka hortegi doonaan dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab” ayuu mar kale yiri  Macallimuu.

Gedo ayaa kakmid ah gobollada la filayo inuu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaas oo qorshuhu yahay in lagu xoreeyo Jubbaland iyo Koonfur Galbeed