Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan maamulka Puntland ayaa inoo xaqiijiyay in Taliska Ciidamada AMISOM ee Somalia ay warqad qoraal ah u direen madaxweynaha Puntland.
Warqada ayaa la sheegayaa inay ku dalbanayeen in loo ogolaado inay ka qeybqaatan dagaalka lagula jiro maleeshiyaadka ku dhuumaaleysanaaya buraha Toga Suuj.
Warqadaani oo sidoo kale nuqul kamid ah loo gudbiyay Xafiiska madaxweyne Xassan, ayaa la sheegayaa in Xassan uu iska fogeeyay codsigaasi isaga oo ka cudur daartay, bacdamaa Puntland ay horay u diiday in ciidamo shisheeye ay ka qeybqaatan dagaalka.
Puntland wali kama aysan jawaabin codsiga AMISOM, inkastoo qudheeda ay ka caga jiideyso inay wax la wadaagto AMISOM, mana la cadeyn karo sida C/wali Gaas uu codsigaasi uga jawaabi doono.
Dhanka kale, Wasaarada gaashandhiga Somalia, ayaa sheegtay in lagu qasban yahay in ciidamo isku dhaf ah oo ay ku jirto AMISOM la geyn doono deegaanada Puntland oo uu dagaalka ka socdo waa haddii dagaalka uu sidiisa usii socdo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]