Xog: Anthony Thomas oo laga wareejiyey xasbiga dhexe ee Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Anthony Thomas oo ah muwaadin heysta dhalashada Ingiriirska iyo Faransiiska oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa loo wareejiyey xabsi ku yaal garoonka caalamiga ah Aadan Cadde ee Muqdisho, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sababta ayaa ah in dhowaan maxaabiis kamid ah kuwa kujira xabsiga dhexe ay Anthony Thomas ku weerareen xabsiga, iyaga oo ka dhaawacay Qoorta, iyada oo Thomas laga daweynayay dhaawicii ay gaarsiiyeen maxaabiistii weerartay.

Thomas oo 48 sano jir ah ayaa waxaa loo heystaa eed ku saabsan in uu iskudayey qatar gelinta degenaanta guud ee dalka Soomaaliya iyo in uu ku guuldareystay qeexidda maaddo qaraxda oo uu watay.

Anthony Thomas waxa uu kamid ahaa Rakaab qaatay Tikidka Shirkadda duulimaadka ee Itoobiya ( Ethiopian Airlines), balse laga reebay kaddib markii ciidanka Nabadgelyada ee Garoonka AIA uu ku arkay Boorsadiisa  maaddo caawisa waxyaabaha Qarxa.

Mas’uuliyiin katirsan Safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Anthony Thomas lagu hayo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, balse ma bixin faahfaahin intaas dheer.

19-kii bishii Janaayo markii la qabtay Anthony Thomas waxaa loo wareejiyay Xabsiga Dhexe, 23-kii isla bishaas, Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dalbatay in lagu sii hayo Xabsiga Dhexe, waana Meeshii ay ku dhaawaceen labo nin oo la sheegay in ay katirsan yihiin Daacish, kuna xukuman 10-sano oo Xabsi ah.

Wali ma cada in Anthony uu yahay Xukun suge kasoo muuqan doona Maxkamad iyo in lagu sii deyn doono hab diblumaasiyadeed oo dhex mara Xukuumaha Muqdisho iyo London.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com