Awaare oo ka dhammaan la’ xafiiska Madaxweyne Xasan. (Maxaa socda?)

Cali Cabdi Awaare, oo ah siyaasi kasoo jeeda Puntland, ayaa dad badan oo siyaasadda faalnqeeya ka yaabiyay, sababo la xiriira sida uu maalmihii ina dhaafay ugu dhowaa madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud.

Mr. Awaare oo horey wasiir uga soo noqday maamul goboleedka Puntland, ayaa dhowr kullan oo is xig xigay la qaatay madaxweynaha toddobaadkan gudihiisa.

“Cali Cabdi Awaare, waa ka dhammaan la’ yahay xafiiska madaxweynaha, oo kullamo dhowr ah ayuu la qaatay” waxaa sidaas Caasimada Online u sheegay ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia.

Mr. Awaare ayaa ka mid ah dadka doonaya in loo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha Somalia, taasi oo codsi ku aadan uu si toos ah ugu gudbiyay madaxweynaha, hase yeeshee waxaa naloo sheegay inaan wax go’aan ah la siin.

Awaare ayaa tagay Muqdisho 24-kii september, waxaana ilo-wareedyo kale ay sheegeen inay soo dhoweeyeen dad madaxweynaha uu u diray.