Saddex Midna Ra’iisal Wasaare Xaq Uma Laha! “FAALLO”

Mudane Madaxweyne, Prof. Hassan Sh. Mohamoud,

Waxaad Madaxweyne u noqotay dal iyo dad kala qaybsan oo qabyaaladu ay bedeshay nidaamkii dawliga ahaa iyo kala daymbayntii. Waxaad ku jirtaa jaahwareer beelkastaba rabto ra’iisal wasaare oo aan marnaba la tixgelinayn dawladnimada iyo sharafta qaranimada..

Xaaladdaas oo kale waxay u baahantahay go’aan geesinimo oo aan u danaynayn beel iyo shisheeye midna. Waxaa la dhahaa oodo dhacameed marba sida ay u kala sarreeyaan ayaa loo kala guraa. Maanta waxaad u baahantahay taageerada dadka Somalia intooda badan. Waxaan kugula talinayaan inaadan 3 qolo midna siin jagada ra’iisal wasaaraha kuwaas oo kala ah:

Somaliland: Waxay Somaliland ku dhawaaqday inay ka noqotay midnimadii Ayala lahayd Somalia waxayna samaysatay dawlad u gaar ah. Markaas haddii ra’iisal wasaare la siiyo aan Somaliland tegikarayn waa jago qasaartay oo ay u bahaantahay waxtarkeeda Somalķa.

Puntland: Puntland waa gobol ka tirsan Koonfur balse waxay samaysatay maamul u gaar ah oo leh qaab dawladeed, laba sedna xaq uma laha. Maalinta ay baabi’iso dawladnimada ay sheeganayso oo noqoto maamul goboleed hoos yimaadda dawladda Federaalka ah xaq ayay u leedahay inay u tartanto ra’iisal wasaaraha. Haddii Puntland ku dhawaaqdo inay goosatay marka ay weydo ra’iisal wasaaraha maaha wax meel gaadhaya waayo marnaba kama maarmaan hantida ay ku leeyihiin Mogadisho iyo Jubbada Hoose. Waa ayaamo waxay maqnaataa.

DamJadiid : Dal dhisan oo midaysan ayaa Xisbigaagu ku doodikaraa inuu qaato jagooyinka muhiimka ah. Maanta taasu ma joogto oo marba sidii loo jabo ayaa loo dhitiyaa, dalku waxa uu ku suganyahay xaalad la rabo in laysku keeno oo waa dad iyo dal kala tegay.

Siyaasiga lagu magacaabo Farmaajo oo haysta taageerada shacabka laga soo bilaabo Koonfurta Gaalkacayo ilaa Kismaayo ayaa nabadgelyo iyo dawladnimo kula hirgelinkara, ku dhiiro magacaabistiisa si aadan u lumin taageerada shacabka. Kismaayana (The Jewel of the South) waxay dhulballaarsiga Kiiniya kaga badbaadikartaa madaxweyne iyo ra’iisale wasaare haysta taageerada shacabkka. Beel ama shisheeye dan gaar ah leh ka fadil danta dalkaaga iyo inta waxatrikarta. Mahadsanid Mudane Madaxweyne.

Ibrahim Hassan Gagale (B.A and B.S) USA.
Ibrahim_hg@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan