Daawo Sawirrada: Koox Fanaaniin caan ah oo Muqdisho laga sagootiyay

Xaflad si heer sare ah lo soo agaasimay isla markaasna ay kasoo qayb galeen maamulka G/banaadir,xilibaano iyo ururada bulshada ayaa maanta waxay kadhacday hotelka City Place ee degmada C/casiis,xafladaan ayaa waxaa sagootin loogu sameeynayay fanaaniinta walaaha reer jabuuti ee “Deegaan”.

Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo goobta hadal kajeediyay ayaa waxa uu si aad ah u amaanay fanaaninta iyo abwaanada reer jabuuti, oo iyaga had iyoo jeerba utaagan midnimada ummada Soomaaliyeed,tarsan ayaa sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday doorka ay fanaaninta jabuuti kulahaayeen baraarujinta shacabka somaliyeed iyo ineey kashaqeeyaan midnimadooda.

Sidoo kale waxaa goobta kahadlay Abwaanka Caanka ah ee soomaaliyeed marna ladhihi karo waa Shakispiirka Soomaaliya Abwaan Maxamuud C/laahi Ciise Singub,abwaan sangub waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay imaanshihiisa magaalada Muqdisho “runtii magaalada muqdisho oo ay mudo iigu danbeeysay,maanta waxaa kamuuqanaya horumar iyo waa cusub,shacabka reer muqdisho waxaan ugu baaqayaa iney xoojiyaan sii adkaynta midnimada iyo nabada dalka’ayuu yiri abwaan Singub.

Fanaaniinta reer Jabuuti ee Deegaan,ayaa intaas kadib waxay goobta kusoo bandhigeen heeso katarjumaya wadaniyada islamarkaasna aad u qiiro galisay dadkii goobta kusugnaa,heesaha ay goobta kaqaadeen ayaa waxaa kujiray hees laqaaday shirkii carta ee lagu soo unkay doowladii uu madaxda ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan.

Siidookale fanaaniintan ayaa soo bandhigay heeso kale oo ay ku cabirayaan nabada ka hanaqaaday magaalada Muqdsho,waxaana kamid ahaa hees lagu magacaabo”Xamareey manabadbaa”,heestaan ayaa waxay xamaasad galisay dadkii goobta kusugnaa oo dhan iyadoo halmar sacab iyo mashxarad ay goobta isqabsatay,sidokale waxaa is hilmaamay ooba masraxa ciyaarta soo fuulay masuuliyiin uu kamid yahay duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo la arkayay isagoo ciyaaraya,sidookale waxaa kamid ahaa masuuliyiintaas Warsame Joodax.

Intaas kadib ayaa fanaaniinta iyo dadkii goobta joogayba waxay udhaqaaqeen dhanka Tiyaatarka qaranka oo isaga hada ay kusocoton dib u dhis,Duqa magaalada Muqdisho Tarsan ayaa fanaaniinta iyo abwaanada kadalbaday ineey soo booqdaan tiyaatarka iskuna soo sawiraan si ay fariin ugu diraan fanaaniinta kale ee dibada kunool si ay iyagana gacan uga gaystaan dib u dhiskiisa.

Sawirrada