25.9 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Xog: Axmed Madoobe iyo ergadii soo doortay oo khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay (Maxaa la isku hayaa?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in uu khilaaf xooggan soo kala dhex galay hoggaamiyaha kumeel gaarka ee Jubba iyo ergadii soo doortay maamulkiisa.

Axmed Madoobe oo dib ugu soo laabtay shaley Kismaayo kaddib safaro uu ku maqnaa Nairobi, ayaa xaley wuxuu kulan la qaatay ergooyinkii soo doortay isaga iyo ku-xigeenkiisa Gen Fartaag.

Kulankaas oo ka dhacay xarunta Jaamacadda ee magaalada Kismaayo, waxaa looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay siddii loo soo dhammeestira lahaa maamulka Axmed Madoobe isla markaana loo qaban lahaa wajiga labaad ee shirka dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka.

Kulankaas wax natiijo ah kama soo bixin oo waa lagu kala kacay sida ay lee yihiin dadkii joogay kuwaasoo noo warramay.

Maxaa la isku heystaa?

Waxaa la isku heystaa sida loo soo xulayo maamulka inta ka dhimman iyo sida uu ku billaaban karo shirka labaad ee dib u heshiisiinta.

Waxaa kaloo odayaal iyo wax garad dhaliilsan maamulka Axmed Madoobe kuwaasoo la sheegay in wax taageero ah ka helin Axmed Madoobe tan iyo markii la doortay.

Si kastaba, waxaa maanta oo Khamiis ah haddana loo ballamay in la qabto kulan kale oo looga hadlaayo khilaafka si dhawaan looga billaabo Kismaayo wajiga labaad ee shirka dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka.

Magaalada Kismaayo waxaa ku soo qulqulaya odayaal iyo siyaasiyiin kuwaasoo doonaya in ay ka qaybgalaan shirka ayaaha Jubbooyinka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News