Xog: Axmed Madoobe iyo SACIID DENI oo hakiyey doorashadii golaha shacabka

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynahayaasha maamulka Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa hakad geliyey doorashada Kuraasta Golaha Shacabka ee ka socotay deegaanadaas.

Maamulka Goboleedka Jubbaland ayey ugu dambeyso inuu qabto doorashada Kuraasta Golaha Shacabka ee maamulkaas 27-dii Bishii hore ee January.

Sidoo kale Saciid Deni ayaa isna hakad geliyey doorashada Golaha Shacabka, waxaana ugu dambeysay 2-dii February markaas oo qaar kamid ah Kuraasta Golaha Shacabka lagu doortay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulkaas.

Isku darka labada maamul Goboleed ee Jubbaland iyo Puntland ayaa soo saaray Kuraas gaareyso illaa 30 iyadoo ay u dhiman tahay in ka badan intaas.

Gebi ahaan waxaa hakad ku jiro howlihii doorashada ee labadaas maamul Goboleed, waxaana xusid mudan in guddigii doorashada ee Jubbaland inay ku sugan yihiin Magaalada Nairobi ee dalka Kenya xilli laga sugayo inay dhameystiraan doorashada.

Illaa hadda si rasmi ah looma ogo sababta ka dambeyso hakad ku yimid doorshadii ay wadeen iyadoo ay xusid mudan tahay in waqtigii loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka ay ka dhima tahay 15 Maalin.

Saciid Deni oo la filayo inuu isku soo taago xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayey xogaha sheegayaan inuu ku mashquulsan olole lacag raadin ah sidaas ay isaga iyo Axmed Madoobe ku heshiiyeen in hakad la geliyo doorashada si ay waqti ku filan u helaan.

Maamul Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa si dardar leh ku wado doorashada Golaha Shacabka iyagoo fulinayo heshiiskii uu Golaha Wada-tashiga Qaran ku gaaray Muqdisho.