Xog: Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo ku kulmaya Addis-Ababa iyo qorshaha

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa lagu wadaa in ay dhawaan ku kulmaan dalka Itoobiya, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Madaxweynaha Jubaland ayaa hadda ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta waddanka Itoobiya, halkaas oo uu kula kulmayo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Abiy Axmed.

Madaxweynaha Puntland ayaa isna horraanta Bishan May ku wajahan Addis Ababa, waxaana xogo lagu kalsoon yahay sheegayaan in halkaas ay kulan gaar ah ku yeelan doonaan Siciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Inkastoo aan weli xog sugan laga helin ajandaha kulanka labada dhinac, haddana waxa lagu wadaa in kulankaas uu mar kale xoojiyo iskaashiga dhinaca siyaasadda ee Puntland iyo Jubaland.

Xiriirka labada dhinac ayaa bilihii dhowaa u muuqday mid gaabiyey, ayada oo uu wiiqmay iskaashiga labada maamul, oo mar u muuqday kuwa aan ku kala harin go’aanada xasaasiga ah.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa dhowr bil kahor xiriirka u jaray dowladda federaalka, isga oo ka caraysan inaan la siin xilka ra’iisul wasaaraha shaqsiyan, sidoo kalena la dhaafiyey maamulka Puntland.

Si kastaba, Axmed Madoobe ayaan go’aankaas kula biirin Puntland, wuxuuna wadashaqeyn dhow la leeyahay dowladda federaalka. Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayey isku beel yihiin Axmed Madoobe.

Dhinaca kale, maalmihii ugu dambeeyey waxaa jiray warar sheegaya in Puntland ay gadaal ka riixeyso mooshin la sheegay inuu ka dhan yahay ra’iisul wasaare Xamza. Hase yeeshee mooshinkaas ayaa u muuqda mid hadal hayn un ku kooban oo aan dhab ahaan jirin.