Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka ka socda SUDAN

Khartoum (Caasimada Online) – Kooxaha militariga ee iska soo horjeeda ee Suudaan, ayaa ku dhawaaqay xabbad joojin cusub oo saddex maalmood ah, balse ma muujin wax saan saan ah oo ay ku joojinayaan dagaalka ay ku doonayaan inay ku qabsadaan magaalada caasimadda u ah dalka Sudan ee Khartuum.

Ururada Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD, ayaa si wadajir ah u soo saarey bayaan ay kaga digayaan Dadka reer Sudan iney ugu baahi badan yihiin haatan xabbad joojin, si hawlaha gargaarka bini’aadantinimo loo gaarsiiyo shacabka.

Waxay sheegeen hey’adaha in waqtiga lagu kordhiyey xabad joojinta ee dheeraadka ah, ay horseedayso in joogsadaan colaadaha.

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo IGAD, ayaa ku booriyay dhinacyada isku haya Suudaan inay ka feejignaadaan weerarrada aan loo meel dayin ee lagu qaadayo goobaha ay dadku ku badan yihiin, ayna u hoggaan samaan shuruucda caalamiga ah.

Codsigan ayaa imaanaya iyadoo malaayiin qof oo ku nool magaalada Khartuum ay gabaad ka dhiganayaan guryahooda, iyadoo ciidamada xoogga dalka wata iyo kuwa sida deg degga ah u hawl gala ee ”RSF” ay ku dagaalamayaan gacan ku haynta magaalada Khartuum.

RSF ayaa waxaa madax u ah General Dagalo – oo loo yaqaan Hamati – kaasoo noqday maalqabeen aad u weyn sanadihii ugu dambeeyay, ka dib markii uu la wareegay macdanta dahabka ee dalka Suudaan.

Waxaa loo malaynayaa inuu hoggaamiyo ilaa boqol kun oo askari. Cabsida uu ka qabo inuu ku waayo awoodda iyo hantida, ayaa caqabad weyn ku ah wada hadal kasta oo nabadeed oo la filayey inuu dhaco.

Isha: BBC