Xog: Baarista dil wadareedkii GOLOLEY oo joogsatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in guddiyadii baarista xasuuqii deegaanka Gololey ee degmada Balcad ee gobalka Shabeellada Dhexe ay joojiyeen baaritaanka kiiskaas, kadib markii uu lugaha la galay qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in arrintaan ay aad u adkaatay islamarkaana guddiyadii ku jiray ee ka kala socda HirShabeelle iyo dowladda federaalka Soomaaliya ay hakiyeen.

Xubno kamid ah labada guddi oo aan la hadalnay ayaa sheegay in baaritaankii ay wadeen uu lugaha la galay saraakiil sare oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya islamarkaana ay dhaqaajin waayeen kadib markii ay la kulmeen caga juglayn iyo cabsi gelin.

Qaar kamid ah xubnaha aan la hadalnay ayaa sidoo kale sheegay, in dhinac kale oo ka tirsan dowladda ay bilaabeen in arrintaan ay u xaliyaan si hoose islamarkaana ay wadaan aruurinta lacago loogu tala-galay in la siiyo qoysaska dhibanayaasha ah.

“Sidaa u wadnay baaritaanka oo daruufo adag ku wareegsanaa waxaan ku tagnay saraakiil sare oo eedeysanayaal ah waana dhaqaajin weynay, xataa inaa la kulano nooma aysan suurta gelin, guddigayna waa loo caga jugleeyay, hanjabaad toos ah ayaan la kulanay,” ayuu yiri qof kamid ah guddiyada arrintaan ku howlan.

Sidoo kale mas’uulkaan ayaa noo sheegay in siyaasiin maqaam sare ku leh dowladda dhexdeeda ay wadaan qorshe lacag lagu siinayo qoysaska dhibku gaaray lacagtaas oo lagu sheegay in ay tahay DIIYO.

Dil wadareedkii ka dhacay Golaley muddo dheer ka hor ayaa ahaa kii ugu xumaa waxaana halkaasi si bareer ah loogu toogtay 8 qof oo dhalinyaro dhaqaatiir ahaa. Dilka ayaa lagu eedeeyay Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee degaankaas ku sugan.