Xog: Baaritaanka xasuuqii Golaley waxaa qeyb ka ah ciidankii lagu eedeeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo ku sugnaa degaanka Golaley ee degmada Balcad ay qeyb ka yihiin ciidanka ilaalada guddiga ku mashquulsan baaritaanka musiibadii dhacday.

Qaar kamid ah dadka degaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in saraakiil ay tuhmayaan in ay ku lug lahaayeen musiibadii dhacday ay hadda safka hore uga jiraan ilaalinta guddiyada baaritaanka wada, sidoo kalane ay qaarkood qeyb ka yihiin baaritaanka socda.

“Mar haddii ay ilaalada guddiga yihiin, dadka ay la kulmayaan guddiga ay saameyn ku leeyihiin mararka qaarna ay iyaga door weyn ku leeyihiin baaritaanka waxaa noo muuqato in aysan waxba ka soo bixi doonin,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha deegaanka.

Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo ku sugan Golaley islamarkaana lagu eedeeyay falkii foosha xumaa ee ka dhacay degaankaas ayaa la sheegay in mas’uuliyiinta ku sugan degaankaas ay ilaalo u yihiin islamarkaana ay ka qeyb galeen su’aalo weydiinta dadka degaanka, taas oo meesha ka saareysa in ay shacabka ku dhiiradaan ka hadlidda tuhunada ay qabaan.

Senator Muuse Suudi Yalaxow, ayaa shalay warbaahinta u sheegay in aan dowladda Somalia laga filayn, in ay baaritaan dhab ah ku sameyso musiibadii degaankaas ka dhacday.