Gobolka Banaadir oo markii ugu horreysay matalaad ku yeelan doona Aqalka Sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Gobolka Banaadir ayaa markii ugu horreysay matalaad ku yeelan doona Aqalka Sare ee baarlamanka, sida ay go’aamiyeen Guddiga Wadajirka ee Diyaarinta Xeerarka Dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Guddigan, oo ka kooban 14 xubnood, ayaa maanta sheegay inay soo geba-gebeeyeen howshooda, iyadoo warbixintooda u gudbin doona Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka.

Xeerarka Guddiga ay soo dhameystirayeen ayaa waxaa ka mid ahaa sidii Gobolka Banaadir uu wax uga heli lahaa kuraasta Aqalka Sare ee baarlamanka, arrinta Somaliland iyo arrimo kale.

Sida ay noo sheegeen xubno guddiga ka mid ah, waxay go’aamiyeen in 7 kursi oo dheeri ah lagu daro Aqalka Sare oo hadda ka kooban 54 kursi, ayada oo 7-da kursi lasii doono Gobolka Banaadir.

Guddiga ayaa sidoo kale go’aamiyey in kuraastaas 7-da ah lagu dooran doono hab qeybsiga 4.5.

In kuraastan la meel-mariyo ayaa u baahnaan doonta wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka dalka, kaasi oo laga rabo baarlamanka Labada Aqal uu ku ansixiyo 3 meel labo meel.

Xubno ka tirsan guddiga ayaa sidoo kale noo sheegay, qeybinta 7-da kursi ay go’aan ka gaari doonaan hoggaanka sare ee dalka.

Arrntan ayaa khilaaf cusub horseedi doonto, ayada oo la rumeysan yahay in beelaha dega Muqdisho ay ka dhiidhin doonaan in dad aan u dhalan gobolka ay Aqalka Sare ku matalaan.