Sidee awoodda Turkigu u bedeshay dagaalka Libya, una bah-dishay Imaaraadka Carabta, Ruushka iyo Masar?

Tripoli (Caasimada Online) – Awooda cirka ayaa door muhiim ah ka cayaartay colaadda Libya. Dhulka lama degaanka baahsan ee waqooyiga iyo xeebta waxaa uu ka dhiganyahay in ciidanka dhulka meesha ay joogaan si fudud lagu ogaan karo, meelo lagu dhuntana waa ay ku yartahay.

Ciidanka Cirka ee Dowladda caalamku aqoonsanyahay iyo ciidamada Khaliifa Xaftar, labadooduba waxay isticmaalayaan diyaarado hore eoo Faransiiska iyo Midowgii Soofiyeeti sameeyeen.

Inkatoo inta badan dagaaladda loo adeegsanayay diyaaradaha duuliyaha leh, hadana meelaha qaar waxaa ka dagaalamayay diyaarado aan duuliye lahayn.

Ku dhawaad 1000 duqaymood ayey fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida uu sheegay wakiilka gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Libya Ghassan Salame, waxaana uu ku tilmaamay “dagaalkii ugu weynaa dunida ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.”

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn dhowr sababood ayey muhiim u yihiin. Keliya mahan in ay xogta muhiimka ah ee cadowga meel fog ka arki karaan, laakiin waxay sidoo kale awoodaan in ay deg-deg u weeraraan bartilmaameedyo walba oo ay u dhowdahay in ay ku guuleystaan.

Hadii xitaa diyaaradda lasoo rido, duuliyuhu waa uu badbaaday, waxaana uu awoodaa in uu diyaaradda kale duuliyo, isagoo dhulka jooga.

Guushii hore ee ciidamada dowladda

Markii Libya la geeyay diyaaradaha Shiinuhu sameeyay ee Wing Loong sanadkii 2016 waxay wax ka bedeleen awoodda ciidanka khaliifa Xaftar. Markii u horreysay waxaa loo adeegsaday dagaalkii Derna ee bariga Libya.

Diyaaradaas Shiinaha oo ay howlgelinayeen duuliyeyaal u dhashay Isutagga Imaaraadka Carabta waxay ka duuleen garoonka diyaradaha Al-Khadim waxayna weerari kareen 1,500km taas oo micnaheedu yahay in ay gantaalada iyo bambooyinka gaarsiin karaan meel walba oo wadanka ah.

Diyaaradahaas waxaa loo adeegsaday in ay saameyn adag ku yeeshaan dagaalka Tripoli, halkaas oo Khaliifa Xaftar uu bishii April 2019 ku dhawaaqay in uu ka qabsanayo Dowladda Qaramadda Midoobay taageerto. Ciidanka Dowladda dib ayaa loo riixay, caasimadda waxaa go’doomiyay xoogagga Khalifa Xaftar. Markii laga hadlo duqaymaha cirka, geerida shacabku waa ay korortay iyadoo la bartilmaameedsanayay meelaha magaalooyinka ah.

Waxaa jiray shaki ah in Dowladda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Fayez al-Serraj ay sii taagnaan karto, iyadoo ay taageerayeen Qatar iyo Talyaaniga.

Faro-gelintii Turkiga

Dhamaan arrimahaas waxaa ay is bedeleen bishii December 2019-kii markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu ku dhawaaqay in Turkigu uu taagero militari siinayo Dowladda uu hogaamiyo Al-Serraj.

Erdogan waxaa uu Libya u diray Ciidan militari ah oo wata diyaaradaha aan duuliyaha lahayn  ee magacoodu yahay Bayraktar. Waa diyaarado ka yar kana riddo gaaban kuwa Shiinuhu sameeyay ee Wing Loong. Hase yeeshee, Bayraktar waxaa ay weli awood u leeyihiin in ay weeraraan islamarkaana bur-buriyaan bartilmaameedyada dhulka ee ciidamada Khaliifa Xaftar.

Ciidanka Dowladdu hadda waxaa ay horumar ku sameynayaan diyaraaradahaas, taliyeyaashooduna waxay yaqaanaan meesha uu cadowgu joogu.

Waxaa sidoo kale ciidanka iskumar layimid gantaaladda Hawk iyo hubka kale ee difaaca hawada. Garoonka magaaladda Tripoli ee Matiga hadda si cadi ah ayuu u shaqayn karaa cabsi la’aan.

Natiijadu deg-deg ayey noqotay markii Ciidanka Dowladdu ay dagaal iyo duqaymo biriq ah adeegsadeen, kuwaas oo ay kula wareegeen magaalooyinka Surman, Sabratah, Al-Ajaylat iyo magaalo-xeebeedka Al-Assah.

Waxaa ku xigay weerarro isdaba joog ah oo ku wajahan garoonka cirka ee Al-Watiya ee ciidanka Xaftar ay u isticmaalaan saldhigga ugu weyn ee howlgaladda.

Saldhigii waxaa ugu dambeyntii la qabsaday 18-kii May, waxaana ay dharbaaxo ku ahayd damacii Xaftar ee galbeedka Libya, keliya saldhig uma ahayn waxay sidoo kale u ahayd xarumta saadka iyo saanadda.

Ciidanka Khaliifa Xaftar, waxaa lagu qasbay in ay dib u gurtaan, waxaana fashilmay habka difaaca cirka ee Ruushku sameeyay, balse ay soo iibiyeen Imaaraadku ee Pantsir S-1. Warbaahinta ayaa wariyay in duqaymaha adag ee diyaaradaha Turkiga Bayraktar ay waxyeelo gaarsiiyeen radar-ka Pantsir.

Horumarro ay ciidanka Dowladdu ka sameeyeen koofurta iyo bariga waxay lumiyeen damacii Xaftar ee ahaa in uu caasimadda qabsado, iyadoo ciidankii daacadda u ahaana lagu qasbay in ay dib u gurtaan. Boqolaal calooshood u shaqaysteyaal ah oo ka yimid militari-ga Ruushka ayaa laga daad gureeyay garoonka Bani Walid ee diyaarada, kadib guul-darrooyinkii Khalifa Xaftar.

Awoodda dhanka cirka ah ee Turkiga ay ku taageereen dowladda Libya, iyo ciidamo laga keenay Syria, ayaa wax weyn ka beddelay xaaladda dagaalka Libya, islamarkaana hakiyey isku day socday 14 bilood oo Khaliifa Xaftar uu doonayey inuu ku qabsado caasimadda Libya.

Libya waxay leedahay rajo dowladnimo oo ka madax-banaan Khaliifa Xaftar iyo dalalka taageeraya Ruushka, Masar iyo Imaaraadka Carabta, waxaana taas looga mahad-celinayaa awoodda cirka ee Turkiga.