Barasaabka Minnesota oo waxa ka socda Minneapolis la bar-bar dhigay Muqdisho

Minneapolis (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz ayaa tusaaleyn usoo qaatay magaalooyinka Muqdisho iyo Baqhdad xilli uu la murugsan yahay rabshadaha maalintii shanaad galay ee ka socda gobolka.

Rabshadahan, oo ka socda magaalada Minneapolis iyo magaalooyinka ku dhow, ayaa ka dhashay dilkii George Floyd oo ahaa nin madow ah, kaasi oo uu gaystay askari caddaan ah, oo luqnta jilib ka saaray isaga oo madaxa dhulka u yaallo, ilaa uu ka naf baxay.

“Waxa Minneapolis ka socdaa waxay i xusuusisay Muqdisho iyo Baqhdad,” ayuu yiri guddoomiye Tim Walz.

Askarigaas, oo lagu magacaabo Derek Chauvin, ayaa maalmo kadib la xiray, balse xaaladda ayaa kasii dareysa.

Khasaaro xoog leh ayaa ka dhacay magaalada Minneapolis tiiyoo ay jirto in magaalooyin badan oo Mareykanka ka tirsan ay ku faafeen rabshadaha.

Ku dhawaad 30 magaalo oo Mareykanka ku yaalla ayey saameyn xoog leh ku yeesheen rabshadaha dhawaan bilowday, waxaana lasoo wariyay in Los Angeles lagu gubay gawaarida Booliska.

Magaalooyinka Atlanta iyo Philadelphia ayaan xaaladooda fiicneyn maadaama la hakiyay isku socodka dadka.

Ciidamo Militari ay ayaa lasoo dhoobay Minneapolis si loo badbaadiyo dadka hantidooda la boobayo, waxaana arrintaan laga cabsi qabaa iney cawaaqib xumo badan dhaliso.

Waxaa jira khasaare hantiyeed oo weyn, sida goobo ganacsi oo la bililiqeystay iyo qaar la gubay. Waxaa sidoo kale jira dhimasho iyo dhaawac balse tirada saxda ah ayaan la hubin.