DAGAAL khasaare dhaliyey oo ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa iska hor imaad u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo xalay ka dhacay isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac.

Dagaalka oo muddo kooban socday ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu dhex-maray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ee ku sugan kontoroolka Tarabuunka iyo sidoo kale  ilaalada guddoomiyaha maamulka degmada Hodan, Cabdixakiin Dhagajuun.

Wararka qaar ayaa sheegaya in is-rasaaseynta ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen qaar ka mid ah ilaalada guddoomiye Dhagajuun, kuwaas oo haatan lagu dabiibayo xarunta caafimaad oo ku taallada magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka oo ku guuleystay inay kala qaadaan ciidamadaasi.

Lama oga illaa hadda sababta rasmiga ee ka dambeysa dagaalka u dhexeeyey labadaasi ciidan, balse waxaa loo badinayaa is faham-waa soo kala dhexgalay labada dhinac.

Weli ma jiro sidoo kale wax faah faahin oo laamaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya ay ka bixiyeen dhacdadaasi.

Muddooyinkii dambe waxaa soo badanayey iska hor imaadyada dhexmara askarta dowladda e ku sugan Muqdisho, waxaana khasaaraha ugu badan uu soo gaaraa rayidka.