Xog: Baaritaankii Weerarka Guriga Cabdi Qeybdiid oo soo dhammaaday iyo Faahfaahinta Imaaraadku bixiyay…

Muqdisho (Caasimadda Online) – Baaritaankii dowladda Soomaaliya ku sameysay weerarkii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ee Imaaraadku tababaray ayaa soo dhammaaday iyadoo la filayo in la shaaciyo natiijada kasoo baxay.

Shabakadda Caasimadda Online ayaa ogaatay in weerarka ay ka danbeysay dowladda Imaaraadka, isla markaana amarkiisa uu bixiyey sarkaal Imaaraadka Carabta u jooga Muqdisho, kaasoo madax ka ah howlgalka UAE ee Soomaaliya.

Warbixin ay Imaaraadka bixiyeen ayaa sheegeysa in baaritaanka uu ka mid ahaa shaqo argagixiso la dirir joogto ah oo Dowladda Soomaaliya ay heshiis ula galeen, waxaana ay ciidamada ku daba jireen qof telefoon lambar watay oo laga soo raad-raacay degmada Jilib ee Gobolka J/Dhexe, balse lagu waayay markii uu telefoonka ku densaday agagaarka Guriga Cabdi Qeybdiid.

Ciidamada galay guriga Senator Cabdi Qeybdiid ayaa urursada telefoono, waxayna Sheekhada Imaaraadka ee kiiskani sheegeysaa inaysan helin qofkii ay telefoonkiisa baadi goobayeen, isla markaana ay cudurdaar ka dhigteen inaysan ciidamada weerarka qaaday ogeyn inuu Guriga deganaa Senator Cabdi Qeybdiid.

Arrintan ayaa shaki badan ku dhalisay dowladda federaalka iyo hay’adaheeda ammaanka, waxaana natiijada baaritaankooda ay la wadaageen madaxda sare ee dowladda, iyadoo aan la ogeyn qaabka loo shaacin doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com