25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Xog: Badda Soomaaliya oo gacanta ka bixi rabta: Maxaadan ogeyn oo dhacaya shanta Febraayo?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaay ahayd bishii Sebtember ee sanadkii 2014 markii aay Soomaaliya dacwadii badda ay u gudbisay Maxkamadda Aduunka.
Maxkamadda ayaa Kenya u qabtay waqti ay dacwadeeda iyo jawaabta dacwada Soomaaliya ugu gudubsato Maxkamadda.

Kenya ayaa gebi ahaanba aanan gudbin jawaab ee waxaa ay gudbisay diidmo hordhac ah oo aay ku doodayso in Maxkamaddu ayna lahayn awood ay kiiskaan ku gasho kiiskuna aanu ahayn mid la ogolaaday. Taasna sharciga ayaa u ogol.
Maxkamadda Hague ayaa Soomaaliya waqti u qabatay ay uga soo jawaabto diidmada Kenya. Waqtiga loo qabtay ayaa ku beegan bisha Febraayo 5, 2016. oo aay ka harsan tahay wax ka yar usbuuc.

Maxkamaddu ayaa joojisay in ay qaado ama fiiriso mudnaanta kiiskaan inta ay go,aan aay ka gaarayso awoodeeda qaadidda kiiska. Waxaa aad muhiim u ah in 5 bisha febraayo aay dowladda JFS aay gudbiso jawaabta ama waqti kororsi weydiistaan, taasina kuma cadda barta internetka ee Maxkamadda oo la soo geliyo qoraal walbo oo kiiska ku saabsan oo leys dhaafsaddo. Riix Halkan

Haddii aanay JFS gudbin jawaab kiiska waxaa laga yaabaa in gebi ahaanba la tuuro, taasoo ah sida aay Kenya rabto.

Caasimada Online oo la xiriirtay garyaqaano dhinca sharciga badaha ayaa noo sheegay, in haddii kiiska aay maxkamadda soo tuurto, waa haddii aanay Soomaaliya ka soo jawaabin diidmadii Kenya, kiiskana la tuuro, in gebi ahaanba waxa la isku hayo iyo damaca Kenya uu adkaan doono in dib Soomaaliya aay mar kale ugu dacwooto lahaanshaha badda Soomaaliya. Kenyana waxaa aay fursad u heleysaa in bixiso ogolaashaha baaritaan shidaal oo hadda ka xayiran.

Garyaqaanada ayaa qaar qaba in tani aay u egtahay in uu jiro heshiis hoose oo dhex maray Kenya iyo xukuumadda CCC, waayo in jawaab loo diro maxkamadda waxaa aay masuuliyadaas saaran tahay golaha fulinta oo uu CCC R/W ka yahay.

[su_document url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/01/01300507438ICJ1.pdf” width=”1180″ height=”1600″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News