Xog: Barre Hiiraale oo oo ku wajahan KISMAAYO

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobbolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xaaladda magaaladu ay wali tahay mid ku jirta xaalad bandow ah kadib shaqaaqo Sabtidii shalay ka dhacday magaalada.

Dhaqdhaqaaqii dadweynaha iyo Ganacsigii magaalada wali waa gabaabsi, sidii hore wali kuma soo laabanin, sidaasna waxaa Caasimada Online u xaqiijiyay qaar kamid ah dadka magaalada.

Dhinaca kale  waxaa xarunta Madaxtooyada ka soconaya kulamo gooni gooni ah oo ay yeelanayaan masuulyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo Odayaal erga ah oo uu soo wakiishay Barre Hiiraale, waxaana la sheegaya in laga wada hadlayo sida laga yeeli doono imaanshaha Col. Barre Aadan Shire Hiiraale ee magaalada Kismaayo.

Kismaayo hada waxaa ku sugan Ergo Odayaal ah oo uu Wakiishay Barre Hiiraale, kuwaasi oo Maamulka Jubbaland ay uga wada hadlayaan arinta ku aadan tagitaanka Magaalada iyo in wax amnidaro ah aysan ka dhicin Magaalada.

Aadan Axmed Xuseen oo ka mid ah Saraakiisha Jubbooyinka ayaa sheegay in Shirkaasi uu yahay mid lagu doonaayo in meesha looga saaro Khilaafaadka ka taagan Dhismaha Maamulka Jubbaland.

Xubno ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Barre Hiiraale la dejinaayo Guriga Martida ee Magaalada Kismaayo hadii la isku raaco tegitaankiisa Magaalada Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com