Xog: Beesha caalamka oo hal arrin oo xasaasi ah ku cadaadineysa madaxda Puntland & Jubaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilada Beesha Caalamka ee Muqdisho ayaa kulamo gaara la leh madaxda maamulada Puntland iyo Jubaland oo laga dhaadhicinayo inay tanaasul ka sameeyaan qaabka doorasho ee ku saleysan degaanka oo xiligan aan suuragal ka ahayn Soomaaliya.

Cabdi Wweli Gaas iyo Axmed Madoobe ayaa kulamadoodii ugu horeeyay la yeeshay wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay Micheal Keating iyo safiirka Imaaraadka u jooga Soomaaliya oo ka mid noqday wakiilada beesha caalamka ugu saameynta badan gudaha Somaaliya.

Lama oga in dadaalka wakiilada beesha caalamka lagu guuleysan doono, laakiin waxaa labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubba saaran cadaadis xoog leh.

Golaha ammaanka ayaa madaxda Soomaalida ka sugaya inay go’aan ka gaaraan qaabka doorashada dalka inta ka horeysa Khamiista 28-ka Bishan oo kulan ku saabsan Soomaaliya ay ku yeelan doonaan New York.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com