27.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Xog: Beesha caalamka oo Xasan ku cadaadisay inuu ka laabto go’aankii lagu celiyay ciidanka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saacadihii dambe wajahayay cadaadis xooggan oo kaga imanayay wakiillada beesha caalamka, taas oo ugu dambeyn ku qasabtay inuu aqbalo ka laabashada go’aankii ciidanka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ogolaaday in madaxda Puntland iyo Jubaland ay Muqdisho la yimaadaan ciidankooda iyo hubkooda, iyada oo aan lagu xirayn shuruudo gaar ah.

Go’aankan ayaa yimid kadib maalin kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay magaalada Muqdisho ka celisay diyaarado siday ciidamo hubeysan oo ay iska soo hormariyeen madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, taas oo uga sii dartay xiisaddii siyaasadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale diray odayaal dhaqameed iyo ganacsato si ay door uga qaataan dejinta xiisadda, isla markaana ugu qanciyaan Golaha Mustaqbalka in wada-hadallada loo ballansanaa uga soo qeyb-galaan magaalada Muqdisho.

Hase yeeshee madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa la sheegaya in aysan magaalada Muqdisho u safrayn illaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ay raali-gelin ka siinayso soo celintii shalay, ayna bixinayso damaanad.

Tallaabadii shalay ayaa waxaa si weyn u dhibsaday wakiillada beesha caalamka, iyagoo dhinacyada ka dalbaday inay ka shaqeeyaan sidii ay u qabsoomi lahaayeen wada-hadalladii loo ballansanaa.

Sidoo kale, Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa madaxda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay lagama maarmaan tahay inay iskugu yimaadaan miiska wada-hadalka, iyagoo dhacdadii shalay ku tilmaamay mid laga xumaado.

“UNTMIS waxay ka xun tahay in kooxihii horudhaca u ahaa wufuudda Puntland iyo Jubaland aysan soo gaarin Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu waday in ay ka furanto magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska QM.

Dowladda Federaalka ayaa markaas ku andacootay in tallaabadaas u qaaday si loo ilaaliyo baratakoollada iyo habraacyada amniga, halka maamullada Puntland iyo Jubaland ay sheegeen in khatar la galiyay saraakiil iyo ciidamo hordhac u ahaa safarka la filayay in madaxdaan ku soo gaaran caasimada Soomaaliya.

Waxay sheegeen in ujeedka ka dambeeya go’aankan uu yahay in la fashiliyo wada-hadallada lagu wado in ay dhex-maraan Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqalka oo loo qorsheeyay inay berri bilowdaan.

- Advertisement -

Read more

Local News