Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cadaadis weyn kasoo wajahay beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan Mareykanka iyo Midowga Yurub kadib markii uu daba dheeraaday waqtigii dhismaha xukuumadda cusub ee Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa si weyn oo geesinimo leh ugu gacan seyray talo soo jeedintii beesha caalamka ee ahayd inuu la shaqeeyo Ra’iisal wasaarihii hore C/weli Sheekh Axmed, iskuna dayo inay heshiiyaan, waxayna arrintan ahayd tallooyin si weyn loogu qalqaaliyay Xasan Sheekh iyadoo Bilihii Oktoobar iyo November looga digay in ridista xukuumadda C/weli iyo magacaabida mid kale ay waqti qaada doonto, dib u dhacna ku keeni doonto hiigsiga cusub, Balse madaxweynaha ayaa si weyn uga biyo diiday oo balan qaaday in si degdeg ay u dhameyn doonaan khilaafka sharcigana ay mari doonaan, waqti ka lumi doonana aanu jirin.
Khilaafkii siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaarihii hore C/weli Sheekh wuxuu soo shaac baxay 25-ka October ayaa iminka waxaa la marayaa muddo 3 bilood ah iyadoo aan weli la helin xukuumad cusub, taasoo keentay in balanqaadkii madaxweynaha uu meesha ka baxo, waxaana warsaxaafadeed u muuqda mid ku socda madaxweynaha soo saaray dhowaan Qaramada Midoobay iyo Beesha caalamka oo si cad u sheegay inay ka welwelsan yihiin dib u dhaca magacaabidda xukuumadda, waxayna ka digeen inay arrintaasi saameyn ku yeelato hiigsiga cusub.
Warsaxaafadeedka ayaa dowladda Soomaaliya lagu xusuusiyay in qorshaha dowladda ay fuliso laga rabo uu yahay in 2016 dalka laga hirgeliyo doorasho xor u dhacda, waana taas arrinta keentay in madaxweynaha weji gabax kala kulmo beesha caalamka, ayna sii lunto kalsoonidii ay ku qabeen hogaankiisa. Madaxweynaha ayaa laga soo xigtay inuu dhinaciisa dib u dhaca ku eedeynayo xildhbaano ay isla beesha caalamka ku taageereyso iynay caga jiidaan dowladda.
Isha: Goobjooge