Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dhanka Villa Somalia ayaa sheegaya in Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Mechael Keating iyo Xubno kale oo ka tirsan Beesha Caalamka ay kulan gaar ah ka dalbadeen Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.
Wafdigaani ayaa dib magaalada Muqdisho ugu soo laabtay kadib markii ay kusoo fashilmeen in maamulka Puntland ay ku qanciyaan aqbalida nidaamka 4.5.
Mechael Keating oo durbadiiba xiriir la sameeyay Villa Somalia ayuu waxa uu Xassan Sheekh ka dalbaday in isaga iyo Xubnihiisa ku howlan Doorashada dalka ay u diyaar garoowan kulan gaar ah oo looga arrinsan doono go’aanka maamulka Puntland ay ku qaadacday 4.5.
Waxaa lagu wadaa in kulankaasi uu noqon doono mid gaar ah oo lagu lafaguri doono sida laga yeeli lahaa maamulka Puntland, inkastoo Beesha Caalamka ay Puntland kala soo laabteen go’aan ah in dib loogu laabto natiijadii kasoo baxday shirkii wadatashiga ee dhawaan kusoo idlaaday magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, waxaa adkaan doonta in Wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia Danjire Mechael Keating iyo Xubnaha kale ay Dowlada Somalia ka dhaadhiciyaan in dib looga laabto go’aankii lagu ansixiyay qaadashada 4.5.
Ma cadda in kulanka dhexmari doona Xubnaha Beesha Caalamka iyo Dowlada Federaalka ah ee Somalia, waxaana suuragal ah in Beesha Caalamku ay la timaado qorshooyin kale oo looga gudbi karo Khilaafka u dhexeeya DFS iyo Puntland.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]