Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xog ogaal ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in kulamo dhex maray Siyaasiyiinta, Odayaasha Beesha Habar-Gidir ay kusoo xusheen shaqsiga u matalilahaa xubinta ay ku leeyihiin Golaha Wasiirada.
Wararku waxa ay intaa ku darayaan in Mahad Salaad oo xiligaani ah Sii haayaha wasiir ku-xigeenka wasaarada arrimaha dibada DF Somalia uu helay taageerada beeshiisa.
Mahad Salaad, ayaa la filayaa inuu noqon doono Wasiirka arrimaha gudaha, haddii aysan wax iska bedelin qorshaha iyo heshiis dhex maray Madaxweyne Xasan iyo Beesha Habar-Gidir.
Warar hoose ayaa sheegaya in Mahad Salaad oo ka tirsan Ururka Dam-Jadiid uu wato Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia, isagoona shaqsiyada Mas’uulkaasi ka iibiyay Beesha Habar-Gidir, si looga tanaasulo hamiga ah inay la imaadan mas’uul kale.
Si kastaba, Mahad Salaad ayaa waxa uu kamid yahay shaqsiyaadka uu diidan yahay Ra’isul wasaare Cumar inay ka soo dhexmuuqdan Golaha wasiirada, taasi oo caqabad ku noqon karta magacaabistiisa.
Taageerada beesha Habar-Gidir ay u muujisay Mahad Salaad, ayaa waxa ay sii dileysaa rajadii Cabdikariin Guuleed uu ka qabaya inuu helo kursiga beeshaas.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

