26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Xog: Beesha Wacbuudhan oo uu dhex marayo tartankii ugu adkaa labada aqal

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa mudooyinkaan aad isku soo tarayay tartanka ka dhex jira Beeesha Wacbuudhan Abgaal ee ku aadan kuraasta labada Aqal (Sare iyo Hoose) ee Golayaasha Shacabka Soomaaliya 2016. Beeshaan ayaa saami ahaan waxaa ku soo aaday 1 kursi oo ah Aqalka sare iyo 3 Aqalka Hoose ah taasoo wadar ahaan noqonaysa 4 kursi.

Guud ahaan waxaa jira hab qaybsi soo jireen ah ee Beesha Wacbuudhan Abgaal kaas oo ku dhisnaa 7 Qaybood oo ay u wax u qaybsadaan beeshaasi ( 2 Qayb-Da’uud, 1 Qayb, Kabaale iyo 4 Qayb, Galmaax Yoownis). Qaybsigaani ayeey ku salaysay beesha wax qaybsigeedii kuraaseed ee ugu danbeeysay dhismihii Baarlamaanka Doowlad Goboleedka Hirshabeele oo ay ka heleen 7 xildhibaan.

Xilligaan ayaa waxaa lagu mashquulsanyahay dhismaha labada aqal ee Baarlmaanka Qaranka Soomaaliya 2016. Beesha ayaa hadda ku tartamaysa 1 xubin ee Aqalka sare ah kuwaasoo ay u tartamaayaan laba xubnood oo kala ah Muuse Suudi Yalaxoow iyo Xasan Cali Caadle. Labadaan musharax ayaa jifo ahaan ka soo kala jeeda (Muuse Suudi (Da’uud) iyo Xasan Cali (Galmaax- Maxamed Muuse).

Dadka taxliiliya siyaasadda ayaa sheegaya in natiijada ka soo baxdo doorashada labadaasi mas’uul ay wax ka badali karto hanaanka tartanka Aqalka Hoose ee Beesha Waxbuudhan Abgaal. Tusaale Aqalka Sare hadii uu ku soo baxo Xaaji Muuse Suudi Yalahoow waxa ay keeni doontaa in Jifadiisa Isaaq Da’uud ay ku adkaato in ay ku soo baxaan Aqalka Hoose balse ay fursadda u dhawaan karto Jifada kale ee Yuusuf Da’uud. Sidaasi si la mid ah Hadii Xasan Cali Caadle oo aan si weeyn loo hadal hayn in uu soo bixi karo ayaa u badnanaanysaa in ay jifiadiisa Maxamed Muuse (Yuusuf Galmaax) aysan isu soo taagin Aqalka Hoose waxaana lagu salaynayaa arinkaasi laba sababood oo ah in Jifada Maxmaed Muuse ay hadda ka yihiin ku sime Guddoomiye G/Shabeelaha Dhaxe lana saadaaalinayao in dhawan si rasmi ah loogu magacaabo kaasoo ah Mudane Axmed Meeyre Makaraan kuna matala guud ahaan Beesha Galmaax kursigaasi iyo in ay Beesha Maxmaed Muuse xiligaan isu taagtay in ay isku sharaxdo Aqalka Sare.

Marka laga reebo labadaasi jifo ee ka tirsan Beesha Wacbuudhan ee kala ah Isaaq Da’uud iyo Maxamed Muuse, waxa ay taasi fursad siin doontaa jifooyinka kale ee ka kala tirsan Beelaha Da’uud iyo Galmaax waxa ayna u badantahay in ay meesha ka saarto Musharxiin u ordayay Aqalka Hoose ee Baarlmaanka Fedaraalka 2016.

Waxaa sidoo kale wali kala caddaan kuraasta Aqalka hoose ee Beesha oo ah 3 kursi kan ay ku tartamayaan Haween kaliye maadaama Madhasha Qaran horay u soo saarta in sedexdii kursiba kuris ka mid ah ay noqoto Haween. Marka la fiiriyo Beesha Wacbuudhan Abgaal xiligaani waxaa leesla dhaxmarayaa dhanka Haweenka Musharxixiinta ah in ay ku badnyihiin Jifada Galmaax Yoownis kuwaasoo la sheegay in ay ka badnyihiin Haweenka u sharaxan ilaa sedex musharax waxaana hadal hayska u badanyahay in Beesha Galmaax ay noqon karto Beesha Kursiga ay Haweenka ku tartamayaan ay iyaga noqdaan.

Wixii ku soo kordha halgaankaas xileed iyo guud ahaan arriamah doorashooyinka labada Aqal kala soco wararkeena xiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News