28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Beesha Roobow oo diiday lacag uga timid DF kuna xirtay shuruud adag

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in odayaasha beesha uu kasoo jeedo Mukhtaar Roobow ay diideen lacag xaal-marin ah oo ka timid dowladda Soomaaliya.

Lacagtan oo sida la sheegay dhowr milyan oo dollar ah, ayaa isugu jirta magta dadkii ku dhintay shaqaaqadii ka dhacday Baydhaba, baanta dadka dhaawaca ah iyo xaal-marinta qaladadkii ay sameeyeen ciidamada dowladda.

Sida aan xogta ku helnay, lacagtan ayaa waxaa beesha usoo bandhigay guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo Baydhaba ka wada dadaallo la isugu soo dhoweynayo dowladda iyo beesha Roobow, isaga oo ka wakiil ah xukuumadda. Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Lafta-gareen ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaallada.

Ka sokow lacagta, Mursal ayaa sidoo kale odayaasha u ballan-qaaday in Mukhtaar Roobow lasii dayn doono.

Si katsaba, beesha Roobow ayaa la sheegay inay ku gacan seertay yabooha Mursal, kuna adkeysatay in marka hore lasii daayo Roobow, kadibna wixii dhacay ay kala hadli doonaan xukuumadda.

Wararka ayaa sheegaya in beesha ka cabsi qabto in marka ay la heshiiyaan dowladda, oo xiisadda la damiyo looga baxo ballanta, oo Roobow lagu sii hayo xabsiga hay’adda NISA ee magaalada Muqdisho.

Wada-hadallada labada dhinacaa ayaa weli socda, waxaana la filayaa in xal la gaaro maalmaha soo socda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News