Xog: Biixi oo u hogaansamay cadaadiska Abiy Ahmed ee wada-hadallada Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa u muuqda inuu u hoggaansamay cadaadiska Abiy Ahmed, ayada oo dhowaan la filayo inuu ku dhawaaqo guddiga Somaliland u qaabilsan wada-hadalada Soomaaliya.

Madaxweyne Biixi ayaa guddigaasi wada-hadalada kusoo dari doona xubno hore uga muuqan jiray wada-hadaladii labada dhinac ee xiligii xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo, sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka tirsan madaxtooyadu.

Biixi ayaa muddo badan ku jiray qorshaha uu kusoo magacabaayo guddiga u matali doona wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, iyada oo ay hore ugu dhawaaqday dowladda federaalku.

Ku dhawaaqista guddiga cusub ee Madaxweyne Biixi, ayaa waxa uu daba socdaa cadaadiska uu Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed uu ku saarayo dib u furida wada-hadalada labada dhinac oo muddo badan hakada ku jiray.

Abiy Ahmed, ayaa gadaal ka riixaya inay furmaan wada-hadalada labada dhinac, isagoona markii u horeysay labada madaxweyne ee Farmaajo iyo Biixi ku kulansiiyey caasimada Itoobiya ee Addis-Ababa, xili ay labada madaxweyne ku sugnaayeen Itoobiya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, guddigaasi uu dhowaan ku dhawaaqi doono Madaxweyne Biixi ayaa waxa hogaamin doona Wasiirka Arrimaha dibada ee Somaliland, iyada oo ay qeyb ka noqon doonaan xubno siyaasiyiin ah.

Inkasta oo uu Madaxweyne Muuse Biixi u muuqdo inuu ka cago jiidayo dib u furista wada-hadaladaasi, haddana waxa uu la kulmayaa cadaadsiyo kala duwan oo ku qasbaya inuu aqbalo in markale miiska wada-hadalka ay iskugu yimaadaan Somaliland iyo Soomaaliya.

Wada-hadalada labada dhinac ayaa muddo badan hakad ku jirey, iyadoo muddooyinkii dambena ay si weyn usii kala fogaadeen Somaliland iyo dowladda federaalku, midaasi oo lumisay fursado badan oo labada dhinac ku wada-hadli lahaayeen.