Xog: Cabdi Qeybdiid oo Cali Mahdi u gudbiyay codsi ka yimid R/Wasaaraha cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, ayaa shalay kulan la qaatay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo dhowaan loo wakiishay hogaaminta siyaasadda Mudullood.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Senator Qeybdiid uu Cali Mahdi u gudbiyay codsi ka yimid Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo ahaa in Mudullood siiyaan fursad oo aysan ka hor imaanin xukuumadda uu soo dhisi doono iyo guud ahaa hogaamintiisa.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa noo sheegay in Qeybdiid uu sidoo kale Madaxweynaha u sheegay in Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda uu keeni doono ballan qaadayaan in aan la dhibaateynin Mudullood loona fududeeyo wax kasta oo ay xuquuq u leeyihiin islamarkaana ay awooda dowladda Soomaaliya.

Cali Mahdi Maxamed, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in uusan jirin wax dhibaato oo ay xukuumadda cusub kala kulmi doonto Mudullood balse waxa uu dalbaday in Ra’iisul wasaaraha ka fogaado wax kasta oo dhaawici kara ama ka fogeyn kara dadka uu matalo ee Hawiye.

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid waxa uu hormuud ka yahay Xildhibaano iyo Senataro badan oo dalbanaya in lala shaqeeyo Maxamee Xuseen Rooble oo aan wali helin kalsoonida baarlamaanka waxaana muuqato abaabul xoog leh oo ka socda Muqdisho, kaas oo lagu raadinayo kalsoonid beelaha iyo siyaasiinta.

Cabdi Qeybdiid iyo Rooble ayaa kasoo wada jufada reer Hilowle ee beesha Sacad Habargidir.