Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dhawr kulan oo beesha caalamku ka yeelatay Somalia, dhammaantood lagu xusay dhibaatooyinka iyo waxtar la’aanta la xiriirta hogaanka Madaxweynaha Galmudug.
Warkan aan ka heleyno illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in doorashada Galmudug ay tahay midda ugu laaluushka badan oo ugu khaladaadka badan dhammaan Soomaaliya. Kuraasta qaar waxaa laga baxshay lacag ka badan usd $1.5million.
Doorashada waxaa loo maamulay qaab gacan taag ah, ergada qaar toogashaa lagu dilay, qaar waa la handaday waana jir dilay, kuwana waa la xiray . Murashaxiinta qaar waxaa loo diiday goobta doorashada, qaar waa la boobay, qaarna kuraastii ay ku tartami lahaayeen baa si khaldan cid kale loogu asteeyey.
Dumarka qoondaddii waa la xoogay,Madaxda dawladda iyo Madaxtooyadu diyaarado ayey ku tagaan Cadaado ayagoo wata ergooyinkooda – saacado gudahoodna waxaa loo jilaa codeyn oo waxaa lagu magacaabaa Xildhibaan . Mucaaradka waa la bahdilaa, waxaana lagu handadaa in la dhici doono ama khilaaf la gelin doono kursigooda-ama ay aqbalaan inay codkooda siin doonaan Madaxweynaha.
Xildhibaano dhan 29 oo dacwooyin halis laga soo gudbiyey 16 ka mid ahi waa Reer Galmudug. Marka doorashadu dhammaato nabadda iyo jiritaanka Galmudug dhibaato weyn baa soo foodsaari doonta. Dadka boobka cad loo geystay sida Ahlu-Sunna, Galgaduud Sare, Deegaanada Murursadaha iyo kuwo kaleba lama hubo inay ka sii mid ahaan doonaan Galmudug. Waxaa muuqda burbur dhan walba ah ee maamul goboleedkaas.
Dhinaca kale Dagaalka Galkacyo ciidamada ku jiraa kama amar qaataan Madaxweyne Guuleed oo kalsooni kuma qabaan hogaankiisa. Xiriirka xubnaha kale ee Madasha iyo madaxda Galmudug ma hagaagsana. Sidoo kale, Madaxtooyada waxaa kala dhexeeya xiriir shaki badan. Sidaas awgeed, ayaa Dawladda Maraykanka oo wakiil ka ah beesha caalamka ee daneysa Somalia, ay toos ugu qortay Mr Guleed warqaad dheer oo ay ku wargelinayso dhammaan cilladaha jira iyo cabashooyinkaba.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]