Xog: Cabsi laga qabo inay Golaha Wasiirada Xamza ku soo dhex dhuuntaan xubno…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo ugu dambeyn la ansixiyey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa waxaa hadda billowday loolanka loogu jiro xilalka golaha wasiirada cusub ee dalka ee la filayo inuu ra’iisul wasaaraha soo dhiso.

Siyaasiyiin badan oo ay ku jiraan wasiiro xilka haya hadda ayaa wada dadaallo xooggan oo ay uga soo dhex muuqanayaan golaha wasiirada cusub, taasi oo abuurtay cabsi ku saabsan in isbeddelka la rajeynayo in lagu sameeyo xukuumadda aanu dhicin.

Xubnaha wasiirada doonaya ayaa soo maraya waddooyin kala duwan, oo ay ka mid yihiin inay adeegsadaan xildhibaano iyo shasiyaad aad ugu dhow madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, guddoomiyaha baarlamanka, ra’iisul wasaare Rooble iyo marino kale. 

Waxay ka kooban yihiin laba koox oo kala ah; wasiiro ka mid ah xukuumadda hadda jirta oo ku aragti ah ra’iisul wasaare Rooble iyo Xasan Sheekh, oo aan ula jeedno inay diidanaayeen, madaxweyne Farmaajo, iyo koox kale oo ka mid ah kuwa taageersan Farmaajo balse aan ismuujin.

Waxaa cabsida ugu xooggan ay ka taagan tahay inay xukuumadda cusub soo galaan wasiiro ku xiran madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taasi oo haddii ay dhacdo wiiqi karta waxqabadka dowladda Xasan Sheekh iyo Xamza.

Si kastaba, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu warramay inuu doonayo inuu inta badan golaha wasiirada lagu soo daro shaqsiyaad aad ugu dhow ama ay ka mideysan yihiin aragtida siyaasadeed. 

Arrinta kale ee muhiimka ah ayaa ah in madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza ay ka mideysan yihiin aragtida siyaasadeed, taasi oo sahleysa in is-qabqabsi badan aanu ka dhicin xulista golaha wasiirada. 

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xubno saameyn leh oo ku dhow madaxtooyada ayaa hadda wada dadaal lagu xaqiijinayo in la yareeyo wasiirada hore ee lasoo celinayo, xooggana la saaro wejiyo cusub.

Dhinaca kale, golaha wasiirada ayaa waxaa, sida ay xog ku heshay Caasimada Online, soo geli doono shaqsiyaad aan xildhibaano aheyn oo ku xisbi ahaa madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamza, uwaasi oo xildhibaannimada ay diideen madax goboleedyadii taabacsanaa Farmaajo.