Xog: CALI Guudlaawe oo ballan qaad u sameeyay musharaxiinta mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa dhiwaan xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya la qaatay kulan gaar ah oo ku aadanaa xaaladda Soomaaliya.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa mucaaradka u balanqaaday in HirShabeelle uu ka qaban doono doorasho cadaalad ah, islamarkaana uusan ka shaqeynin doonin in uu soo saaro qof gaar ah, sidoo kalane uu ka reebo qof kale oo aysan ku qanacsaneyn Villa Somalia.

“Guudlaawe waxa uu noo sheegay in uusan ka shaqeyn doonin soo saarista qof gaar ah islamarkaana uu ka shaqeyn doono doorasho cadaalad ah oo ka dhacda Jowhar iyo Beladweyne, sababtu waxa uu ku sheegay in arrintaas ay ku jirto daganaanshaha HirShabeelle” sidaasi waxaa Caasimada Online u sheegay mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. 

Cali Cabdullaahi Xuseen waxa uu qeyb ka yahay madaxweynayaasha lagu tilmaamo baalasha uu ku duulo Madaxweyne Farmaajo lamana oga sida uu ugu dhabeyn karo ballan qaadkaan uu sameeyay. 

Kala jiidasho iyo loolan xoog leh ayaa ka jira gudaha magaalada Muqdisho. Xildhibaano iyo siyaasiin kale ayaa baadi goob xoog leh ugu jira sidii ay ku heli lahaayeen fursado ay dib ugu soo laabtaan kuraastooda maadaama lagu jiro xili kala guur ah.