25.2 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Xog: CC Sharmaarke iyo koox uu hogaaminayo oo iibinaya Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo horey u iibiyey badda Soomaaliya, ayaa hadda wada dadaal uu mar kale ku iibinayo madaxbanaanida iyo sharafta dal ee Soomaaliya isaga oo kaashanaya koox uu hormuud u yahay, sida ay   ogaatay Caasimada Online.

Sharmaarke ayaa hogaaminaya koox ku xiran Imaaraadka Carabta, oo qorshahoodu yahay in dowladda Soomaaliya lagu qabso inay taageerto xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka oo xiriirka loo jaro Qatar.

Cumar Cabdirashiid ma qarsan taageerada uu u hayo Imaaraadka, waxaana Wareysi uu siiyey idaacadda VOA, uu Sharmaarke, oo hadda ka tirsan aqalka sare, ku sheegay in danta Soomaaliya ay ku jirto inay la safato dalalka Scauudiga, Imaaraadka, Bahrain iyo Masar, oo ay xiriirka u jartao Qatar.

Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo cadaadiskii ay saareeyn Qatar uu guuleysan waayey, ayaa u arka taageerada Soomaaliya mid dhaawac xooggan gaarsiin karta Qatar, sababta oo ah hawada Soomaaliya oo ah tan ugu muhiimsan ay Qatar ay adeegsato, kadib markii dalalkaas ay hawadooda ka xirteen.

Kooxdan waxaa ku jira, Cabdi Weli Gaas, Axmed Madoobe, Shariif Xasan, Mahad Cawad, Jawaari, Xasan Cali Kheyre iyo xildhibaano oo kale oo badan. Kheyre oo ah ra’iisul wasaare, ayaa markii horeba qabay in la taageero xulufada Sacuudiga, hase yeeshee waa ku gacan seeray madaxweynaha.

Qorshaha koxodan ayaa ah in dowladda federaalka labada dhinac cadaadis laga saaro oo kala ah dhinaca maamul goboleedyada iyo xildhibaanada, ayada oo lacag badan arrintan loo adeegsanayo, waxaana la doonayaa in la soo saaro go’aan baarlaman oo lagu taageerayo Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Haddii qorshaha kooxda guuleysto, oo Soomaaliya lagu qasbo go’aan aysan raali ka ahayn, waxay taasi ka dhigeysaa inaysan ahayn dal madax banaan oo go’aanadiisa ku qaadan kara sida uu u arko inay dan ugu jirto, waana in laga hortagaa in kooxdan cusub ay iibiyaan madaxbanaanida Soomaaliya iyo sharafteeda.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News