Dhageyso: Xildhibaan Xidig oo kashifay farqiga mushaarka askariga iyo shaqaalaha DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa ka hadlay mushaarka ciidamada dowladda oo uu sheegay inuu yahay mid aad u hooseeyo, isla markaana askari mushaarkiisa $100 dollar uu yahay inuusan waxba qaban karin.

Xiddig ayaa sheegay in lacagta ciidamada mushaar ahaanta u qaataan inaysan ku filneyn toban maalmood, sidaasi darteedna loo baahan yahay in loo kordhiyo mushaarka.

Wuxuu sheegay xildhibaanka in mudnaanta koowaad, labaad iyo tan seddaxaad la siiyo ay tahay amniga, haddana amniga inuu hagaago aysan rabin madaxda dowladda sababtuna wuxuu sheegay in askariga xuquuqdii uu lahaa inuusan helin, halka shaqaalaha rayidka iyo kuwa dowladda ay qaataan lacag ka badan kun dollar ilaa shan bosol lacag u dhaxeyso, waxayna ku jiraan mukeyf, askarigii amniga ee qoroxda taagnaana ee duurka ju jiray boqol dollar uu qaato.

“Mudnaanta koowaad waa amniga, haddana inagaa indhaha ka tuureyna, Ciidamada amniga ilaalinayay ayaan xaqireynaa, waa kuma qofka mushaar boqol Dollar, isaga iyo qoyskiisa ku noolaan karaan, shaqaalihii radyidka ahaana midka ugu yar wuxuu qaataa $400 ilaa $1000,..” ayuu yiri Xildhibaan Xiddig.

Xildhibaan Xiddig ayaa ku baaqay in mushaarka askariga ugu yar ee dablaha ah uu noqdo shan $500 dollar si loo helo askari howshiisa si daacad ah ugu soo baxo.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com