Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa bilaabay bixinta Gawaari nooca raaxada ah oo la siinaayo Xildhibaanada Cusub ee dhawaan dooran doona Madaxweynaha Somalia.
Ra’isul wasaare Cumar ayaa la xaqiijiyay in Warqadaha lagu qaadanaayo Gawaaridaasi uu ku bixinayo Xafiiskiisa.
Ra’isul wasaare Cumar oo ka mid ah Musharaxiinta Madaxweyninima doonka ah, ayaa bixinta Gaadiidka u adeegsanaaya kasbashada Xildhibaanada cusub ee codeyn doona marka la gaaro Doorashada Madaxweynaha oo ku beegan Bisha soo socta.
Xildhibaanada cusub ee aan heysan Gaadiidka ayaa feel dheer ugu jira Xafiiska Ra’isul wasaare Cumar kuwaasi oo u badan Xildhibaanadii dhawaan lagu soo doortay magaalada Garoowe.
Si kastaba ha ahaatee, Ra’isul wasaare Cumar ayaa kaalinta Koowaad kaga jira Mas’uuliyiinta ku tagrifasha Hantida Qaranka waxaana lasoo warinayaa in dhaqaalaha laga bixinaayo Hantida Qaranka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

