24.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 17, 2025

Xog: CC Sharmaarke oo xalay kulan xasaasi ah ku qabtay Dubai iyo qorshe cusub oo socda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dubai (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaalia Cumar Cabdirashiid ayaa xalay kulan xasaasi ah ku qabtay magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay laba wasiir oo ka socday Somaliland, laba wasiir oo ka socday Puntland, iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta, sida ay sheegeen ilo-wareedyada.

Sida aan xogta ku helnay waxaa kulanka looga hadlayey xiisadda ka dhex oogan dhowr dal oo carbeed iyo dalka Qatar, waxaana lagu dalbaday  sidii loo taageeri lahaa xulufada Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Waxaa kulanka lagu gooyey in magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Hargeysa ay ka dhacaan banaanbaxyo ka dhan ah dowladda Qatar, oo lagu eedeynayo inay taageerto argagixisada, ayada oo taa beddelkeedna Somaliland iyo Puntland dhaqaale badan loo ballan-qaaday, iyo sidoo kale Cumar Cabdirashiid oo kulanka dalaal ka ahaa.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Imaaraadka ay tallaabadan qaadeen kadib markii ay ku fahsilmeen in dowladda federaalka ay ka dhaadhiciyaan inay xiriirka u jarto Qatar, taa beddelkeedna ay marayaan maamul goboleedyada.

Imaaraadka ayaa xiriir wanaagsan la leh maamullada Somaliland iyo Puntland oo ay u dhisayaan dekedaha Berbera iyo Boosaaso.

Caasimada Online
Xafiiska Dubai
Caasimada@live.com

 

- Advertisement -

Read more

Local News