32.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xog: CC oo Tedros iyo xubno kale kala hadlay golaha wasiirada cusub ee DFS

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke uu Habeenimadii xalay kulan gaar ah la qaatay qaar ka mid ahaa Wasiirada Arrimaha dibada IGAD ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Kulanka Ra’isul wasaaraha iyo Wasiirada ayaa ahaa mid Isbarasho iyo Bogaadin, iyadoona intaa kadib Wafdigaasi ay R/W CCC ugu hambalyeeyen Xilka.

Wasiirada ayaa R/W CCC ugu baaqen in Xukuumadiisu aysan noqon mid lagu xanto waxqabad la’aan iyo Khilaaf soo laalaabta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia Dr. Tedros Adhanom oo kamid ahaa Wafdiga ayaa waxa uu Ra’isul wasaaraha Somalia ku dhiirigaliyay inuu ka dhalaalo kaalintiisa, islamarkaana uu si cadaalad ay ku jirto usoo dhiso xukuumada Cusub.

Wuxuu sheegay in Somalia ay xiligaani kasii baxeyso dhibaatadii ay ku dhexjirtay dhowrkiisano, taasi oo dhameystir u noqon karta ayuu yiri Xukuumad caadil ah.

Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuub Macalin oo isna goobta isbarashada ka hadlay ayaa Farta ku goday in Somalia ay macsalaameyneyso burburkii daahsaday dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, waxa uuna dhankiisa R/W CCC ugu baaqay inaysan maqlin Khilaaf dambe oo u dhexeeyo Madaxda DF Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News