Xog: Ciidamada Jabuuti oo Buula-burde ka billaabay ficillo ka yaabiyey shacabka

Buulo-Burde (Caasimada Online) – Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Buulo-burde ee gobalka Hiiraan ayaa xoojiyay cadaadiska ay saareen shacabka ku nool magaalada gaar ahaan ganacsatada iyo qeybaha kale ee bulshada.

Ciidamada Jabuuti ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay u yeeray ganacsato iyo qeybo kale oo kamid ah bulshada, waxana loogu hanjabay in aysan ka hadli karin cadaadiska dadka saaran ee ku aadan ammaanka, doodda korontada iyo isgaarsiinta oo waqtiyada ay dhibaateeyaan ciidanka AMISOM la damiyo.

Cadaadiskaan dadka saaran ayaa waxay ka dhalatay kadib markii ciidamada Jabuuti Jimcihii la soo dhaafay diideen in ay garoonka ka soo degto diyaarad lagu qaadi rabay qof dumar ah oo xanuusan.

“Jimcihii waxay diideen in ay soo degto diyaarad loo dalbay haweeney uur leh oo kalaamiso ku dhacday, gargaar deg deg ah ayey u baahneyd balse waa diideen waxayna sababtu ku sheegeen in Jimcihii nastaan, dharna dhaqdaan, garoonkana uu xiran yahay maadaama ay gacanta ku haayaan,” ayuu noo sheegtay haweeney ka tirsan qoyska hooyada ka xanuunsaneed.

“Sidaan kale waxay diideen in maalin Jimco ah garoonka ka soo degto diyaarad Dhuusamareeb ka soo baxday oo waday Imtixaankii Qaranka, bartimihii sanadkaan ilaa markii dambe ciidamo dowladeed xoog ku galeen garoonka,” ayuu yiri mid kamid maamulka degmada oo aan la hadalnay islamarkaana aan qarinay magaciisa.

Ciidamada dowladda Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ayaa aad looga cabanayaa waxaana la sheegay in dhibaatooyin badan ku haayaan dadka magaalada Buula-burde ee gobalka Hiiraan. Wali ma jirto wax war ah oo ka soo taliska AMISOM oo arintaan ku saabsan iyo dowladda Soomaaliya.