Xog: Halkee ayaa la geeyay dhagxaantii laga qaaday jidadka qaar ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa habeen hore waxay dib u furtay qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, kuwaasi oo markii hore lagu xiray dhagxaan.

Arrintaasi oo dadweynaha reer Muqdisho ay soo dhaweeyen ayaa haddana nasiib darro waxa soo baxeysa in dhagxaantaasi loo adeegsaday xirista waddooyin kale oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Shacabka ka ag dhawaa meelaha laga qaaday dhagxaantaasi ayaa qaarkood waxay noo sheegen in dhagxaantii laga qaaday loo adeegsaday in lagu xiro meel aan aad uga fogeyn halkii hore ay ugu xirnaayeen.

Dhagxaanta ayaa waxaa laga qaaday waddooyinka yar yar ee gala xaafadaha, balse waxaa lagu xoojiyey waddooyinka waa weyn.

Meelaha dhagxaanta laga qaaday waxaa ka mid ah isgoysyada, Tarabuunka, Sheekh Cali Suufi, Digfeer, Danwadaagaha iyo wadooyin kale oo jidcadayaal ah.

Bulshada reer Muqdisho qaarkood ayaa soo jeediyay in dib loo fiiriyo go’aanka ay dhagxaanta dib ugu xireen waddooyin hor leh, halka markii hore waddooyin kale oo lagu dhib qabay looga qaaday.

Waxayna sheegen in caqabad horleh ay soo wajahday, maadama xaafadaha qaar ee Muqdisho ay dowladda go’doon cusub la galisay, xili loo baahna in la furo waddooyinka muhiimka ah.

Tallaabada ay xalay dowladdu uga qaaday dhagaxaanta waddooyinkaasi ayaa si weyn loo soo dhaweeyay, xili ay soo baxeyso in uusan jirin isbadel weyn oo dhanka isku furanka waddooyinka Muqdisho, oo muddo badan ay shacabku ku dhiban yihiin xaalada adag ee kala wareega.