BEYLE oo labo qodob kala hadlay wasiirada maaliyada maamul goboleedyada

Istar Cabdi YuusufBy Istar Cabdi Yuusuf

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii hayaha wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale (Bayle) ayaa maanta kulan gaar la yeeshay wasiirada maamul goboleedyada ee ka jira dalka.

Shirka ayaa intii socday waxaaa looga hadlay arrimaha dhaqaalaha iyo saameynta uu ku yeeshay cudurka faafa ee Coronavirus.

Labada dhinac ayaa kulanka dhex-maray oo ku qabsoomay aalada Fogaan araga ee ZOOM-ka waxaa diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta wasaasarada maaliyadda iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Muhiimada shirkan ayaa aheyd horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, sida uu sheegay in wasiirka maaliyadda.

Bayle oo faah faahin ka bixiyey kulankaasi ayaa sheegaya inay mar weliba ka go’an tahay inay si wadajir ah ugu wada shaqeeyaan Ummadda Soomaaliyeed.

“Waxa markale inoo qabsoomay shirkii Maaliyadda dalka, Waxa aan had iyo jeer diiradda ku saarnaa Horumarinta Dhaqaalaha Dalka iyo wada shaqeynta. Mar waliba waxaa naga go’an in aan bulshada wadajir ugu adeegno” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Bayle.

Wasiirada dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa inta badan yeesha kulamo gaar gaar ah oo looga hadlay iskaashiga labada dhinac iyo holwaha hor yaalla.