Xog: Ciidamada Kenya oo ka hor-yimid qorshe ay DF uga saari lahayd Kismaayo

Kismayao (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan Ciidamada maamulka Jubbaland oo ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada Hoose ayaa Caasimada Online u sheegay in Ciidamada Kenya ay diideyn in ay ka baxaan Garoonka, Dekadda iyo Jaamacadda magaalada Kismaayo kadib dalab uga yimid howlgalka AMISOM.

Saraakiishaan oo mid ka mid ah ka tirsan la-taliyaasha sare ee dhanka amaanka ee Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Caasimada Online u sheegay in Ciidamada Kenya ay warqad u qoreen Taliska AMISOM una sheegayn in aysan ka bixi doonin Kismaayo iyagoo ku micneeyay dalab uga yimid Axmed Madoobe.

“Saraakiisha waxay qoreen Warqad ay ku cadeynayaan in aysan hada ka bixi karin goobaha loo cayimay sababta waxay ku sheegayn in uu ka dalbaday Axmed Madoobe una baahan yihiin in la siiyo waqti ilaa sanadka cusub” ayuu yiri Sarkaal aan la hadlanay oo ka tirsan Jubbaland.

“Ujeedada socdaalka wakiilka Midowga Africa ee talaadadii waxay aheyd sidii arintaasi loogala hadli lahaa Axmed Madoobe waxaana jira qodobo ay ku heshiiyeen” ayuu yiri Sarkaalkaan aan la hadalnay.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa qaba aragti ah in hadii ay Ciidamada Kenya ka baxaan Kismaayo ay halis ku jirto damaciisa siyaasadeed ee hogaanka Jubbaland sanado kale.

Sidoo kale Dowladda Kenya ayaa u aragta in ay khasaare xoog leh wajihi doonto hadii ay Ciidamadeeda baneeyaan Garoonka, Dekadda iyo Jaamacadda Kismaayo oo ah 3 rug ee ugu muhiimsan Kismaayo islamarkaana ay dagan yihiin Ciidamada Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com