Xog: Ciidankii Imaaraadka uu kala diray oo arrin halis ah ka billaabay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno illo dhanka amaanka ah ayaa sheegaya in dhibaato ay soo food saartay ciidamadii ay horay u tababari jirtay dowlada Imaaraadka ee ka howlgali jiray magaalada Muqdisho.

Illo wareedka aan xogtaani la wadaagnay ayaa sheegaya in ciidamada ka haray kuwa shaqada ka tagay eryinta Imaaraadka kadib ay iminka iibinayaan Hubkooda.

Ciidamadan oo aan qaadan mushaar ku filan ayaa waxaa lagu arkayaa suuqyada lagu kala iibsado Hubka kuwaa oo suuq geynaaya qoryihii ay siisay dowlda Imaaraadka.

Mid kamid ah Saraakiisha Booliska ayaa xaqiijiyay in iibinta Hubka loo xiray ku dhawaad Sagaal askari, oo ku andacoonaya in dowlada Somalia ay kala kulmeen mushaar aan joogto aheyn iyo lacag yari, maadaama ay mushaar fiican qaadan jireen.

Sarkaalkan ayaa sheegay in askartaasi ay caan ku ahaayen qoriga nooca loo yaqaan “Cali shucaac” ay iminka isaga iibinayaan dhaqaale xumid soo foodsaartay.

Askartaan ayaa buux dhaafiyay suuqyada Hubka ee Cirtoogte, Zoobe iyo dhabarka danbe ee dhismihii ay ka guurtay Wasaarada Amniga kuna dhow taalada daljirka daahsoon.

Hubka ay iib geynayaan askartan ayaa qalqal amni ku haya magaalada Muqdisho, waxaana lasoo sheegayaa in lagu kala iibsanaayo dhaqaale aad u yar, maadaama dowlada Imaaraadka ay u fasaxday qoryaha.

Sidoo kale, dowlada Imaaraadka ayaa horay suuqyada magaalada ugu fasaxday ku dhawaad laba kunteenar oo ay ku jiraan hubka noocyadooda kala duwan.

Geesta kale, dowlada Somalia gaar ahaan Hay’adaha amniga ayaan ka feejigneyn halista ka dhalankarta Hubka ay iibinayaan ciidamada uu kala diray imaaraadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com