25.4 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

XOG: Ciidamo AMISOM ah oo loo diyaarinayo magaalada Garoowe

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa socdo sidii ciidamo ka socdo AMISOM loo geyn lahaa magaalada Garowe ee caasimada Puntland, magaalada Kismaayo iyo magaalooyinka caasimada maamul goboleedyada ah.

Cumar Maxamed Cabdulle oo ah gudoomiyaha gudiga doorashooyinka dadban ee sanadkaan ayaa sheegay in laga shaqeynayo sidii loo adkeyn lahaa amaanka goobaha doorashooyinka ka dhacayaan.

Wuxuu sheegay iney adkeyn doonaan amaanka ergooyinka soo xulaya xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iyo amaanka xildhibaanada lasoo xulo sida uu sheegay.

Doorashooyinka aqalka sare iyo aqalka hoose ayaa lagu balamay iney ka dhacaan caasimadaha maamul goboleedyada dalka, waxaana sidaasi daraadeed la go’aamiyay in amaanka ay adkeeyaan ciidamada AMISOm ee dalka Jooga.

Arintaasi ayaa qasabtay in la bilaabo qorshe ciidamo AMISOM ah lagu geynayo magaalada Garowe inta doorashooyinka xildhibaanada ay ka dhacayaan magaalada GArowe.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News