Meydka Soomaaligii tooreyda dad ku weeraray oo la wareejiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska gobolka Minnesota ayaa qoys Soomaaliyeed ku wareejiyay meydka Wiil Soomaaliyeed oo ku dhawaad 11 ku dhaawacay aalada tooreyda.

Wiilka Soomaaliyeed ee Tooreyda dadka ku weeraray ayaa magaciisa lagu sheegay Daahir Axmed Aadan, waxaana weerarka uu ka geystay maqaayad ku taala dalka Mareykanka.

Ciidamada booliska ayaa toogtay wiilka Soomaaliyeed kadib markii uu toorey ku dhaawacay dad maqaayad ku sugnaa una dhashay dalka Mareykanka kuwaasi oo 11 gaaraya.

Cabdi Waaxid Sheikh Cismaan Qalinle oo ah qareenka u doodaya qoyska wiilkooda weerarka geystay ayaa sheegay iney socdaan baaritaano ku saabsan waxyaabaha wiilka ku dhaliyay inuu weerarka geysto.

Sidoo kale Mr Qalinle ayaa sheegay in ciidamada booliska hadda ay ogolaadeen kaliya in meydka reerka lagu wareejiyo si ay u aasaan, balse baaritaano ay socdaan.

Soomaalida gobolka Minnesota ayaa aad uga xumaaday dilka wiilka Soomaaliyeed iyo dhacdada uu dadka cadaanka ah ku weeraray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com